4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 5 , 2016
SAWIRO: Muqdisho oo lagu qabtay shir la xiriira Sidii Haweenku Qoondadooda ku heli lahaayeen


Axad, Juun 05, 2016 (HOL) — Kulan uu soo Qaban-qaabiyay Ururuka AWEPA, ayna ka qayb-galeen; Wasiiradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Somalia, Sahro Maxamed Cali Samatar, qaar ka mid ah Ururada Haweenka iyo Marti-sharaf kale ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Ujeedka kulanka, ayaa ahayd sidii Haweenka Soomaaliyeed ay uga wada-tashan lahaayeen Qaabka ay ku heli karaan Qoondadooda Dhanka Siyaaasadda maadaama dhawaan ay dalka ka dhacayso doorasho.

Wasiiradda Haweenka iyo Xuquuqul Aadanaha Somalia, Sahra Maxamed Cali iyo Qaar ka mid h Haweenkii kulankaan ka Qayb-galay ayaa ayaa is-weedaarsaday fikrado kala duwan oo ku aaddan Qaabka ay Dumarku ku heli karaan Qoondada ay ku leeyihiin hay’adaha kala duwan ee Dowladda Somalia oo ah 30%.

Farxiyo Muumin oo ah Madaxa Ururka AWEPA, ayaa Sheegtay inay Wada-tashigaan uga gol-leeyihiin sidii Haweenka Soomaaliyeed ay isaga kaashan lahaayeen baadi-goobka xaqa ay ku leeyihiin Siyaasadda Dalka, isla markaana loo baahan yahay in Haweenku ay wadajir u muujiiyaan Midnimo.

Sidoo kale, Wasiiradda  Haweenka Somalia, ayaa iyaduna Sheegtay in Haweenka ay Heli karaan Xaqooda Haddii ay muujiyaan Midnimo iyo Wadajir, Waxayna ka Digtay in Tafa-raaruq uu soo dhex-galo Haweenka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Kulankaan ayaa Wuxuu kusoo beegmayaa Xilli la filayo in Somalia ay ka dhacdo daba-yaaqada Sannadkan 2016-ka Doorashooyinka lagu soo Xulayo Xildhibaanada Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya iyo Madaxweynaha.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya