4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 5 , 2016
SAWIRRO: Arday oo ka Qalin-jabiyay dugsi wax lagu baro dadka waaweyn oo Muqdisho ku yaalla


Axad, Juun 05, 2016 (HOL) — Xaflad ay soo Agaasimeen - Maamulka iyo Macallimiinta Dugsiga Dadka waaweyn ee Masst, ayaa lagu qabtay Muqdisho, iyadoo ay ka qayb-galeen Mas’uuliyiin ka tirsan bahda waxbarashada, madax Jaamacadeed iyo Maamulayaasha qayb ahaan Dugsiyada Aasaasiga ah ee Muqdisho.

Prof Maxamed Barqadle oo ku hadlay magaca bahda waxbarashada dalka ayaa faahfaahin ka bixiyey marxaladaha kala duwan ee Waxbarashada, ayaa kula Dardaarmay inay halkaa ka sii wadaan waxbarashadooda .

Ardaydii Qalin-jabineysay oo u badnaa Dad waa-weyn, ayaa soo hadal-qaaday sida ay ugu suurta gashaday in ay ka mid noqdaan Ardayda Qalin-jabineysay Waxayna xuseen sida ay ugu faraxsan yihiin waxay yiraahdeen weynu u dhabar adeegi doonaa waxbarashada iyo sii wadisteeda Aqoontu weynan ma gasho ayay hadalka ku soo xooriyeen .

Waxayan ahayd arrin aad cajiib u aheyd, sida ay ugu Diyaarka ahaayeen Waxbarashdooda, iyagoo aanay xishood ka muuqan.

Safiyo Muxyadiin ayaa tiri. “Waxaan nahay ardayad ka qalin-jabisay Masst, waxaana ahay hooyada afar carruur ah leh, isla markaana hadda Xaamilo ah  aad ayaan ugu faraxsanahay dadaalka ay ugu garab galeen maamulka iyo macalimiinteyda “

Maamulaha guud ee dugisyada Musta  Saciid Cabduqaadir Saciid oo xaflada soo afmeeray ayaa Xafladdaas ka jeediyey khudbad dhinaco badan Taabneysay wuxuuna ugu danbeyntii ardaydii u qeybiyey shahaadooyinkii ay muteysteen.

Ugu dambeyn ,waa hal-doorasho wanaagsan in dadka waa weyn ay waxbartaan waxay taas Muujineysaa in Bulshadeena ay dhanka waxbarashadda ay u kacday si meesha looga saaro Jahliga.

Hiiraan Online, News Desk