4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 5 , 2016
Shacabka Soomaaliyeed oo Diyaar-garow ugu jira Bisha Barakeysan ee Ramadaan (SAWIRRO)


Axad, Juun 05, 2016 (HOL) — Ganacsiyo fara badan ayaa xilligaan Magaalada Muqdisho soo buux-dhaafiyay, kuwaasoo qayb ka ah u diyaar-garowga ay Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah isugu diyaarinayaan bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Inta badan goobaha ganacisga ayaa furan saacado ka badan intii ay furnaan jireen, iyadoo shacab badan ay ka iibsanayaan alaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay Bisha Soon ee Sannadkan isugu diyaariyaan.

Bisha Ramadaan, ayaa ka mid ah 12-ka bilood ee Taariikhda Islamaka, taasoo Ruux walba oo Muslim ah laga doonayo inuu Soomo laga billaabo Qorrax-soo-baxa illaa Qorrax-dhaca, iyadoo muslimiintu ay 29-casho ama soddon casho soomaan.

Sidoo kale, Adeegyada xilliyadan oo kale ay shacabku iibsadaan ayaa ah kuwo aad muhiim u ah, maadaama qoysasku ay u baahan yihiin raashin iyo Qudaar noocyo kala duwan leh, si ay ugu afuraan marka ay Qorraxdu dhacdo.

C/raxmaan Sh. Abuukar Macoow oo ganacsade iibiya miraha kasoo go’a beeraha ku yaalla Gobollada Shabeellooyinka, ayaa sheegay in uu haysto Dalabaad badan oo looga iibsanayo miraha ay ka mid yihiin Qaraha iyo sidoo kale Cambaha.

“Waxaan iibiyaa miraha ay ka mid yihiin; Qaraha, Cambaha, Liin Bambeelmada iyo kuwo kale, Waayo waa kuwo baahi weyn loo qabo marka Bisha Ramadaan ay billaabato - haddii ALLE ogolaado,” ayuu yiri C/raxmaan Sheekh.

Dhanka kale, Macoow X. Axmed Guutaale oo isagana ka mid ah Ganacsatada Dukaamada ku leh Muqdisho, ayaa isagana Sheegay inay khasab ku Noqotay inay shaqeeyaan Saacado ka badan intii ay horay u shaqeyn jireen, si ay dadweynaha Soomaaliyeed alaabooyinka ay u baahan yihiin ee ay ugu diyaar-garoobayaan Bisha Ramadaan.

“Tan iyo markii uu Hagaagay Amaanka Muqdisho Dad badan ayaa magaalada dib ugu soo laabtay, waana rajo wanaagsan. Waxaanan rajeynyanaa mustaqbal aad u wanaagsan,” ayuu hadalkiisa ku daray Guutaale.

Ugu dambeyn, Qof walba oo Muslim ah oo Qaan-gaar ah, waxaa waajib ku ah inuu soomo Bisha Ramadaan sida ay Qabto Diinta Islaamka.Ramadaanku Waa Bil Amni, iyadoo dadka Muslimiinta ah lagu Dhiirri-geliyo inay isku Naxariistaan, Cibaadaadka ku Dadaalaan, isla markaana ay is-caawiyaan, si uu ALLE ugu Naxariisto.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya