4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 5 , 2016
Kulan Diimeed la xiriira Ramadaanka iyo Arrimo kale oo Gaalkacyo lagu soo Gunaanaday (Sawiro)


Axad, Juun 05, 2016 (HOL) — Kulan Diimeedkii Sanadlaha ahaa ee Culumada Ahlusunna Waljameeca oo Toddobaadyadaan ka soconaay Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa lasoo Gunaanaday.

Ujeedada Mu'atamarkan, ayaa ahaa in shacab looga digo khataraha Diineed ee ka jira dalka iyo in Dadweynaha lagu baraarujiyo Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Culumada, ayaa si adag uga hadalay ummadda Muslimka ah ee la laynayo, kuwa la gaaley-siinayo & kuwa maalkooda & dhiiggooda la banaysanayo iyadoo aysan jiran daliil diimeed oo loo cuskanayo.

Sidoo kale, Culumada ayaa ka jawaabtay su'aalo ay soo waydiiyeen qaar ka mid ah Dadkii ka Qayb-galay Mu’tamarkaan intii uu socday, kuwaas oo la Xiriiray Xukunnada Shiicada, gaalaysiinta iyo xukunkeeda, Madoobaysiga tinta, Ramadaanka iyo Waxyaabaha buriya.

Ugu dambeyntii, Mu'atamarkaan, ayaa waxaa laga soo saaray baaq ay Culummadii kulanka joogay u jeediyeen dhammaan ummadda Soomaaliyeed, iyagoo uga digaya dhibaatooyinka ay leedahay Diinta oo si khaldan loo fasirto.

Abaadir C/qaadir Cimi Hiiraan Online
Email:
[email protected]   
Garowe, Puntland, Soomaaliya