4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 5 , 2016
Garoon Caalami ah oo Laga Furay Qabri-dahar, Itoobiya

Axad, Juun 05, 2016 (HOL)-Waxaa dhawaan laga furay garoon caalami oo casri ah magaalada Qabri-dahar oo ka tirsan dawlad goboleedka Soomaalida ee Itoobiya.

Garoonka ayaa waxaa furay madaxweynaha dawlad goboleedka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo agaasimaha garoomada Itoobiya, Tewadros Daut.

Garoonkaasi ayaa waxaa af hayeen u hadlay dawlad deegaanka ismaamulka Soomaalida Itoobiya uu sheegay inuu ku soo biiray garoonada caalamiga ah ee Itoobiya isla markaana uu wax ka tari doono dhaqaalaha kobcaya ee Itoobiya iyo gobolka oo dhan.

Ismaamulka Soomaalida ayaa noqday ismaamulkii ugu horeeyay Itoobiya ee dhisa garoon caalami ah oo noocaa ah.

Garoonkaa oo dhismihiisa la waday muddo labo sano ah yaa si rasmi ah u shaqo bilaabay  kadib markii dhismihiisu uu dhammaaday.

Itoobiya ayaan guud ahaan lahayn dekado ama bad sidaa daraadeedna waxaa muhiim aad ugu ah garoonada diyaaradaha.

Warsame
Hiiraan Online
[email protected]