4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 5 , 2016
XALANE: Ciidanka Amingu Waxay ku Dhigeen Gacanta Ruux lagu eedeeyay inuu ka mid ahaa…


Axad, Juun 05, 2016 (HOL) — Ciidamada Ammaanka Dowladda Somalia ayaa gacanta ku soo dhigay qof lagu tuhmayo in uu ka mid yahay kooxdii tuurtay Hoobiyeyaal aan geysan khasaare oo Xalay ku dhacay God kaawada laga qodo oo ku yaalla degmada Dharkeynleey laga qodo kuwaasoo qeyb ahaan laga maqlay Degmooyinka ku ag dhaw goobta uu hoobiye ku dhacay.

Afhayeenka maamulka Gobalka Banaadir, Cabdifataax Cumar Xalane ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan qofkaasi oo ay uga shakisan yihiin inuu ka mid yahay Kooxihii Xalay hoobiyeyaasha soo riday.

“Waxaan sameynay howgal guuleystay labo hoobiye ayey kusoo dhufteen meel ka baxasan degmada Dharkenleey, waxaana ay ku dhaceen meel kaawadda laga qodo oo degmada ka tirsan cidna wax kuma noqon ,ciidanaka ayaa ka warhelay meesha ay joogaan mid ka mid ah ayeyna soo qabteen mana jirin wax rasaas ah oo na dhax martay qofkaas la hayo, waana uu qirtay in uu ka mid ah kooxda hoobiyaasha soo tuurtay,”ayuu yiri Xalane.

Baraha Taageera Al-Shabaab ayaa lagu qoray in hoobiyaashii xalay ay ku dhaceen gudaha xarunta Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada AMISOM ku leeyihiin magaalada Muqdisho. Balsa warkaas waxaa beeniyay AMISOM

Afhayeenka Ciidamada AMISOM, Joe Kipet, oo u waramay Warbaahinta ayaa sheegay in Warkaasi aanu waxba ka jirin,

“Maya, waxaan u maqlay sida aad idinka u maqasheen, ma jiraan madaafiic kusoo dhacday Xalane xitaa meel u dhaw kuma soo dhicin , hada qorshaheenu waxa uu yahay in mar kale madaafiic Jaziira laga soo tuuray aysan ku soo dhicin Muqdisho oo Ciidammo ayaan geyn doonaa”sidaasi waa yiri Afhayeenka Ciidanka AMISOM Joe Kipet.

Ugu dameyn, Bilo ka hore ayay ahayd markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay sheegtay gacanta ku soo dhigtay dad Magaaladda ku tuuri jiray Hoobiyeyaal.

Hiiraan Online, News Desk