4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 5 , 2016
SAWIRO: Hormuud Foundation oo ugu deeqday xoolo iyo raashin Maxaabiista Xabsiga Muqdisho


Axad, Juun 05, 2016 (HOL) — Taliska Ciidamada Asluubta Soomaaliya, ayaa Shalay lagu Wareejiyay, Deeq loogu Talo-galay in lagu Afuray Maxaabiista ku jirta Xabsiga Dhexe ee Magaalada Xamar. Kaalmadaan ayaa waxaa ku deeqday Hay’adda Hormuud Foundation.

Deeqdan oo isugu jirtay Raashiin, Xoolo nool iyo dhar, ayaa loogu deeqay Maxaabiista ku jira Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, Waxaana lagu Wareejiyay Taliska Xabsiga oo u Mahad-celiyay Mas’uuliyiinta Hay’adda Hormuud Foundation.

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Asluubta Somalia, Jen. Cilmi Waasuge, ayaa ugu horreyn uga Mahad-celiyay Hormuud Foundation deeqdan ay soo gaarsiisay maxaabiista ku jira xabsiga dhexe ee Muqdisho, isagoo xusay inay kusoo aadday xilli baahi weyn loo qabay.

“Waxaan Hay’adda deegdan  soo gaarsiisay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, Waxaan Rajey-nayaa inay wax ka  qaban doonto  Deeqdan baahida Maxaabiista,” ayuu yiri Jen. Waasuge.

Sidoo kale, Mas’uuliyiinta Hourmuud Foundation ayaa iyaguna sheegay in Kaalmadaan ay qayb ka tahay kaalmooyin ay ugu talo-galeen shacabka Soomaaliyeed, inta lagu jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Ugu dambeyn, Inta lagu guda jiro Bisha Barakaysan ee Ramadaan iyo waqtiyada xafladaha ayaa inta badan Bulshada Soomalaiyeed waxay si gaar ah ugu gurmadaan dadka dan-yarta ah ee aan waxba haysan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya