4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 5 , 2016
Ruux ka mid ah Shaqaalaha Baarlamanka Federaalka Somalia oo lagu dilay Magaalada Muqdisho


Axad, Juun 05, 2016 (HOL) — Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir, waxaa goor sii horreysay lagu dilay nin oday ah, oo ka mid ahaa bulshada ku dhaqan Degmada kana tirsanaa shaqaalaha baarlamaanka soomaaliya.

Marxuunka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Salaad Maxamed Sabriye, waxaa lagu dilay xaafadda Ceeldheer, wax yar un ka dib, markii uu Salaaddii Cishaha ahayd ku soo tukaday Masjidka Al Khaliil.

Rag bistoolado ku hubeysnaa ayaa dhowr xabadood kaga dhuftay qaarka kore ee jirkiisa iyagoo ka baxaday xaafadda ay dilka ka geysteen.

Marxuun Salaad Maxamed Sabriye oo xubin ka ahaa howlwadeenada xarunta baarlamanka Somalia, ayaa waxaa dilkiisa ka tacsiyadeeyay Xoghayaha guud ee Baarlamaanka C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

“Ugu horreyn aniga oo ku hadlaya Magacayga iyo magaca Xubnaha Baarlamaanka, ayaan doonayaa inaan tacsi u diro ehelada, qoyska iyo carruurta uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuun Salaad Maxamed Sabriye oo ka tirsanaa Shaqaalaha Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho. Waxaan Alle uga baryeynaa in naxariistiisa jano uu siiyo, gacan ka gardaran ayaa dishay.” Ayuu yiri C/kariin Buux oo qoraal soo dhigay baraha Bulshada.

Ugu Danbeyntii ,Horey ayaa Degmooyin ka tirsan gobolka banaadir loogu dilay shaqaale ka tirsan Baarlamaanka soomaaliya ma jirta cid dabo gal ku sameysay cida dilka ka danbeysay in kastoo ay dowladda sheegto in ay ku debo jirto.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya