4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 5 , 2016
Isbaheysiga Rajo oo Kulan La Yeeshay Aqoonyahano Soomaaliyeed oo Ku Sugan Kenya

Axad, Juun 05, 2016 (HOL)-Isbahysiga RAJO oo ah isbahaysi Soomaaliyeed oo wada dadaalo dib loogu  soo celinaayo midnimada, rajada, iyo taariikhda wanagsan ee Soomaalida ayaa magaalada Nairobi todobaadkan ku qabtay shir kooban oo looga hadlayay xaaladaha ka taagan dalka Soomaaliya.

Waxaa shirkaas isugu yimid qaar kamid ah aqoonyahanada, waxgarad kala duwan iyo qaar ka mid ah taageerayaasha dhaqdhaqaaqa Rajo ee ku sugan dalka Kenya.

Furitaankii fadhigaas ayaa Rajo soo gudbisay waxyaabihii u qabsoomay mudadii la soo dhaafay, gaar ahaan 30kii cisho ee ugu dambeeyay iyo daruustii ay ka baratay intii ay hawsha waday.

'Waxaa noo caddaatay in qabiilkii uu dhammaaday, caradii shacabka haysayna ay gaartay meeshii ugu saraysay, ayna suurtagal weyn tahay in qalalaase lixaad leh u dhaco hadii uu dalka sidan uu yahay sii ahaado…” Mudane Cabdullcasiis Takar oo u hadlayay RAJO ayaa yiri.

Intii ay kulamadaani socdeen ayaa talooyin la isku dhaafsaday kuwaasi oo ku aaddanaa sidii dhalinyarada Soomaliyeed loo xoojin lahaa wax qabadkooda ku aaddan hawlaha dalku uu u baahan yahay xiligan.

Dood iyo su'aalo kadib waxaa la go’aamiyay in shir kale oo aad u ballaaran la qabto 25 bishan Juun, shirkaasi oo ay ka qeyb geli doonaan qaybaha kala duwan ee dhalinyarada.

Xubnaha Rajo ayaa warbaahinta u sheegay in munaasabadaas ay u ahayd fagaare ay wax badan ka faa’iidaysatay, isla markaana waxay sheegeen inay u dhaqaaqayaan fulinta fikradihii loo soo bandhigay.

Isbaysiga Rajo oo qaba fikir cusub oo deg deg u kobcaya ayaa wada dadaal waxqabad muuqda leh oo ku salysan iskaa wax u qabso oo ay ka qeyb qaadanayaan bulshada Soomaalida ah qeybaheeda kala duwan.

 30kii cisho oo la soo dhaafay kaliya, wuxuu isbahysigu qabtay 7 munasabadood dalka gudihiisa iyo dibadiisa kuwaas oo loogu dabaal degayay xuskii 15 Mey ee SYL.

Waxaa kaloo isbahysiga u suurta gashay in shirar waraysi iyo wacyegalin isugu jira ay ku qabtaan gobolada dalka, shirarkaas oo inta badan xoogga uu isbaysugu ku saarayay in lagu dhiiri galiyo dhallinyarada wadaniyiinta ah in ay ka qayb qaataan geedi socodka siyaasada gaar ahaan doorashooyinka soo socda.

 Dhinaca kale isbahysugu wuxuu wadaa barnaamijiyo dhalinyarada yar - yar lagu baraayo taariikhda wanaagsan ee uu dhulkeenu leeyahay iyo guulihii ay Soomalidu soo hooyeen dhinaca walba oo nolosha ah, guulahaas oo qof kasta oo Soomaali ah galinaya farxad iyo rajo.

Isbaysiga Rajo oo ay sii badanayaan taageerayaashiisu wuxuu sii xoojin doonaa hawlaha kala duwan ee sida wadjirka ah u socda , iyadoo xilli walba diirada la saaro xaalada adag ee dalku kujiro.