4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 4 , 2016
DAAWO: Ururka Dhallinyarada Gobolka Hiiraan oo Maanta 150 qoys u qaybiyay Raashin Deeq ah


Sabti, Juun 04, 2016 (HOL) — Iyadoo ay nagu soo fool leedahay Bisha Ramadaan dhinaca kalena Qoysas badan, ayaa Wali la Daalaa-dhacayaan Saameyntii ka dhalatay Fatahaadihii dhawaan ku dhufatay Beledwdeyne, ayay Ururka Dhallinyarada Gobolka Hiiraan Gar-gaar raashin ah u qeybiyeen ilaa 150 qoys oo danyar ah.

Deeqda raashinka ah oo ay iska kaashadeen xubnaha ururka iyo dhalinyarro dalka dibadiisa ku maqan ayaa dadkii ka faa'ideystay siweyn uga mahad celiyeen, iyagoo xusay in waqtigii ku haboonaa la soo gaarsiiyay.

G
uddoomiyaha ururka dhallinyarada gobolka Hiiraan Max'ed C/laahi Buuraale [Raaxeeye] ayaa sheegay in Raashinkan 120-qoys ay soo dhiibeen Dhalinyaro ku nool Dalka dibadiisa, halka 30- ka kale ee soo harayna ay ku biiriyeen xubnaha ururka dhalinyarada.

Ugu dambeyn, Qoysaskii ka Barakacay Fatahaadda, ayaa hadda billaabay inay Guryahooda dib uGu soo laabtaan, inkastoo ay jiraan tiro badan oo qoysas ah oo wali dibada uga maqan guryihiin ay ku noolaayeen oo ay la tageen daadadkii ku dhuftay Magaalada Baladweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya