4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 4 , 2016
Safiir Somali ah oo ka soo Hor-jeestay Go'aanka Kenya ay ku Xirayso Xeryaha DHADHAAB


Sabti, Juun 04, 2016 (HOL) —  Safiirka Soomaaliya u fadhiya Mareykanka Axmed Cawad ayaa sheegay in aysan ahayn caqli gal in Kenya ay haatan xidho xeryaha Dhadhaab.

Hadalkaas kasoo yeeray Danjiraha ayaa dad badani u qaateen sidii inuu bixinaayay Digniin maadaama uu sheegay in haddii Kenya ay arrinkaasi ka dhabayso uu arinkaasi wax u dhimi karo xiriirka labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya.

Wuxuu intaasi ku daray in sanadihii qaxootiga Soomaalidu ku ahayd gudaha Dalka Kenya labada shacab ee dalalkaasi Soomaaliya iyo Kenya ay xiriir ahaan isu soo dhawaadeen isla markaana hadii Kenya ay arinkaasi ka dhabayso waxyaabihii labada dal iyo dadyowgoodu wada gaareen oo horumar ah waxyeelo soo gaari doonto.

Wuxuu sidaa darteed Safiir Axmed Cawad ugu baaqay dawlada Kenya inay go'aanka ay ku damacsan tahay inay ku xirto xeryahaas ay dib uga laabato inta aanan la gaarin Dhamaadka Sannadkan gaar ahaan bisha Nofember oo ay Kenya sheegtay inay kama dambays tahay oo lasoo xiri doono xeryahaas bishaa wixii loo gaaro.

“Haddii aad xirtaan, Waxaad tiraysaan Dhammaan wixii Wanaag ahaa oo aad ka kasbateen Qoxootigaas,” Sidaa ayuu yiri Mudane Axmed Cawad.

Qoxootiga Soomaalida ah, ayaa Kenya ku noolaa tan iyo sanadkii 1991 ay dowladdii dhexe ee Soomaaliya burburtay.

Ugu dambeyn, Xeryaha Dhadhaab ee waddanka Kenya oo Qoxootiga ku jira badankood ay yihiin Soomaali, ayaa ah xeryaha ugu waa-weyn ee Qoxooti Caalamka oo idil.

Warsame, Hiiraan Online
[email protected]  
Magaalada Nairobi, Kenya