4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 4 , 2016
Danjire Madeira: AMISOM Diyaar ayay u tahay inay sugto Amniga doorashada Somalia ee 2016


Sabti, Juun 04, 2016 (HOL) — Ergayga Ururka Midowga Afrika ee Arrimaha Somalia isla Markaana ah Madaxa Hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM] - Francisco Madeira, ayaa Shaaciyay in AMISOM ay isku-diyaarisay sidii ay u Sugi lahayd ammaanka Doorashada lagu wado inay Somalia ka dhacdo Dabayaaqada Sannadkan lagu jiro ee 2016-ka.

Danjire Francisco Madeira, ayaa intaas raaciyay in AMISOM ay mar hore Billowday in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya kala Shaqeyso Sidii loo dhisi lahaa Guddi Amaan oo ka shaqeeya sidii loo sugi lahaa amniga goobaha cod-bixintu ay ka dhici doonto bisha August ee Sannadkan.

“Siyaasiyiinta Soomaalidu waxay qaateen go’aan ay ku heshiiyeen oo ah inay 2016-ka ka dhacdo Dalka Doorasho, isla markaana ay kawada shaqeeyaan sidii ay 2020-ka, uga dhici lahayd Dalka Somalia Doorasho qof iyo cod ah. Waxaanan ku faraxsan-nahay in madaxda Soomaalidu ay ku heshiiyeen sidii ay go’aannadoodaas u fulin lahaayeen,” ayuu hadalkiisa ku daray danjire Madeira.

Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa hadalkan ka sheegay Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya, isagoo sidoo kalena ka warbixiyay Horumarka Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku Aaddan Sidii loo xasilin lahaa Soomaaliya.

Dalka Somalia ayaa waxaa la filayaa inay Doorasho ka dhacdo ka hor dhamaadka 2016-ka, iyadoo Hoggaamiyeyaasha Soomaalidu ay wadajir ugu heshiiyeen, in Doorashooyinka lagu soo Xulayo Xildhibaannada iyo Madaxweynaha Cusub soo socda ay Noqoto mid ku dhisan Hannaanka Awood-qaybsiga Beeleed ee 4.5-ka.

Sidoo kale, Danjire Madeira ayaa xusay in loo baahan yahay in Al-shabaab laga saaro gabi ahaan deegaannada ay gacanta ku hayaan, balse wuxuu xusay in taasi ay u baahan tahay in dadaallo badan ay ku bixiyaan AMISOM, Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Francisco Madeira, ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in AMISOM ay Awood u leedahay inay Hawshaas fuliso, balse caqabadaha haysata ay tahay inaysan haysan qalab ay Hawl-galkaas ku fuliso, sida inaysan haysan Diyaarado Helicopters-ka, Waxaana Rajeynayaa in haddii ay hesho ay ku guuleysan karaan inay Al-shabaab ka saarto Deegaannada ay kaga sugan tahay Gobollada Shabeellada Dhexe iyo Jubbada Dhexe.

“Waxaanu Soomaaliya ka bixi doonnaa markii aan aragno in Soomaalidu ay iyagu ku filan yihiin in ay Hawlahooda qabsan karaan. Waxaan ka bixi doonnaa Soomaaliya markii ay si dhab ah u dareemaan Soomaalida inay mas'uuliyaddooda la wareegi karaan iyo markii aan dareenno in Waajibkii naloo igmaday aan dhameystiranay,” ayuu Danjiruhu mar kale yiri.

Dhanka kale, Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia ayaa waxaa la weydiiyay su’aal ahayd; Sida uu u arko Dhaqaalaha Ururka Midowga Yurub uu ka jaray Hawl-galka AMISOM ee Somalia, wuxuuna ku jawaabay. “Ururka Midowga Afrika wuxuu dib u eegi doonaa fursad kale oo firaaqan buuxin karta. Waa lagama maarmaan inaa helno dhaqaalaha aan u baahan-nahay si aan u wadno waajibaadka naloo igmaday.”

Ugu dambeyntii, Danjire Francisco Madeira ayaa War-fidiyeenka u Sheegay in dhawaan la soo magacaabay taliyaha AMISOM, kaasoo loo magacaabay sarkaal JABUUTI u dhashay, kaasoo hawsha si rasmi ah ula Wareegi doona dhammaan, kaasoo ay Hoos-imaan doonaan dhamaan ciidamada millateriga iyo kuwa booliiska AMISOM.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya