4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 4 , 2016
Madaxii iyo Xoghayihii hore ee Xiriirka Kubadda Cagta Dunida ee FIFA oo loo haysto M/maasuq


Sabti, Juun 04, 2016 (HOL) — Ururka Kubadda Cagta ee aduunka ee FIFA ayaa sheegay in Madaxii Hore ee Ururka Sepp Blatter iyo Laba Sarkaal oo Sare oo kale ay Sameysteen Mushaar kororsi iyo lacago ay isku Abaal-mariyeen oo dhan 80-milyan oo Doollar muddo Shan Sannadood ah.

Gar-yaqaanadda FIFA ayaa sheegay in Mr. Blatter, xoghayihii hore ee FIFA Jerome Valke iyo xogyahihii hore ee maaliyadda FIFA Markus Kattner ay Sameeyeen Dadaallo wadjir ah oo ay iyagu ku taajirayeen oo ay sameeyeen intii u dhaxeysay 2011-kii iyo 2015-kii.

Faahfaahinta baaris ka dhex socotay FIFA ayaa la sii daayay jimcihii shalay, maalin kaddib markii boolisku ay weerar ku qaadeen xarunta ay FIFA ku leedahay Magaalada Zuric, si ay halkaa uga soo qabtaan daliilaha baarista Switzeland ee FIFA ku socota.

Mas'uuliyiinta Switzerland, ayaa baaris ku sameeyay Daruufihii ku xeernaa Tartankii loogu jiray cidda qabaneysa cayaaraha Adduunka ee Kubadda Cagta 2018-ka iyo 2022-da.

Iyagoo looga shakiyay wax is-daba-marin ay ku sameeyeen Lacagaha FIFA, ayaa Guddiga Anshaxa ee FIFA Waxa uu ka Mamnuucay Mr. Blatter iyo Valke muddo lix bilood iyo 12 sanadood ah inay ku lug yeeshaan arrimaha cayaaraha.

Labadan Mas'uul ayaa beeniyay eedaha loo soo jeediyay ee Musuq-maasuq.

Heya’dda FIFA, ayaa Mushkilad la xiriirta Musus-maasuq - waxay heysatay tan iyo bishii May Sannadkii 2015kii, markii baaris ay sameysay Dowladda Mareykanka lagu eedeeyay madaxda ugu sareeysa ururka inay musuq maasuq ku lug leeyihiin.

XIGASHO: VOA