4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 4 , 2016
Feeryahankii Feerka Miisaanka Culus ee Dunida Maxamed Cali KALAAY oo Xalay Geeriyooday

Boxing legend Muhammad Ali passes away at 74
Sabti, Juun 04, 2016 (HOL) — Maxamed Cali Kalaay oo ah Nin Madow oo Muslin ahaa; Caanna ku ahaa cayaaraha Feerka marar bandanna ku guuleystay ayaa geeriyooday xalay oo jimco ahayd.

Kalaay jiray 74- sano, Wuxuuna ku jiray Maalmahan isbitaal ku yaalla Magaalada Phoenix ee Gobolka Arizona, isagoo Xaaladiisa Caafimaad laga dayrinayay. Feer-yahankan Caanka ka ahaa Caalamka oo dhan, Waxaana hayay Xanuun kaga  dhacay Sambabbada, Taasoo ku keentay in Neefsashadu ay ku adkaato.

Sidoo kale, Waxaa Cudurkaas uu ku dhacay Sannadkii 1984-kii, Afar Sano kaddib markii uu ka fariistay Cayaaraha Feerka.

Dhinaca kale, Maxamed Cali Kalaay, wuxuu ku dhashay Magaalada Louisville ee Gobolka Koofurta Mareykanka ku yaalla ee Kentucky Taariikhdu markii ay ahayd 17-kii Jannaayo, 1942-kii. Magaciisuna wuxuu ahaa Cassius Marcellus Clay Jr. Laakiinse Wuxuu la baxay Maxamed Cali, Kaddib markii uu Qaatay Diinta Islaamka Sannadkii 1964, oo ahayd markii ugu horreysay ee uu ku guuleystay Abaal-marinta caalamiga ah.

Waxaa lagu yaqaanay nin u ololeeya u dhaqdhaqaaqa arrimaha Qawmiyadda diirka Madaw ee uu kasoo jeeday. Waxaana lagu Xasuustaa markii Horraantii 60-kii uu si cad u Diiday in uu ka Qayb-galo Dagaalkii Vitenam iyo Maraykanka, Tasoo Muran badan dhalisay.

Allaha u naxariistee, Marxuum Maxamed Cali Kalaay, wuxuu helay Abaal-marinta Feerka Culus ee Caalamiga ah saddex jeer.

Ugu dambeyntii, Sannadkii 2007-dii, Soomaalida Deggen Magaalada Louisville, Kentucky ayuu ku Casuumay Qado-sharaf maalin Isniin ah, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay la kulankooda una sheegay inuu yahay Walaalkood ayna kasoo wada jeedaan hal Qaarad, isla markaasna ay Wadaaga Diin Islaamka.

Si kastaba ha ahaatee, Marxuum Maxamed Cali Kalaay Wuxuu ahaa halyey ku caan-baxay cayaaraha Feerka Culus ee Caalamka, shalay oo Jimco ahayd ayuuna ku naf-baxay Isbitaal lagu daweynayay…. ALLAHA u naxariisto Maxamed Cali Kalaay.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA