4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 3 , 2016
WAR-MURTIYEEDKII: Madasha Wada-tashiga Madaxda Soomaalida ee Muqdisho lagu Qabtay


Jimco, Juun 03, 2016 (HOL) — Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Hogaamiyeyaasha Soomaalida oo ka Socday Muqdisho - intii u Dhexeysay 29-kii May - 02-dii Juun 2016-ka, ayaa laga soo saaray War-murtiyeed ay Hoggaamiyeyaasha Soomaalidu isku raaceen.

Shirkaan, ayaa waxaa ka qayb-galay Mas'uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Cusmaan Jawaari; Ra’iisal Wasaaraha, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke; Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Max'ed Islaan [Madoobe], Madaxweynaha Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sh. Aadan iyo Madaxweynaha Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed.

Haddaba; War-mutiyeedkii Shirkii Madasha Wada-tashiga, ayaa u Qornaa Sidaan:

1. Madasha Hoggaanka Qaran, Waxay tacsi u dirayaan Shacabka, Qoysaska iyo eheladii ay ka baxeen mas’uuliyiin iyo xubnihii kale oo Shacabka Qiimo ku dhex lahaa oo habeen hore ku shahiiday weerar argagixiso oo lala beegsaday Mid ka mid ah Hoteellada Muqdisho ku yaala. Madashu waxay Cambaaraynaysaa Weerarrada Waxashnimo ee ee ay argagxisadu la beegsanayso shacbiga aana wax galabsan.

2. Madasha Hoggaanka Qaran, Waxay soo dhaweysay xeerkii Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu kasoo saaray Hannaanka geeddi-socodka Doorashooyinka ee ay ku heshiiyeen 12-kii April 2016-ka. Madasha hogaanka Qaran, waxay ku celisay ballan-qaadkeedii hore ee ahaa inay ka go’an tahay inaysan jiri doonin xilli kordhin lagu sameeyo muddo-xileedka uu Dastuurku u xadiday hay’adaha Sharci-dejinta iyo Fulinta iyo in Dalka ay doorashooyinka ka dhacaan xilliga loogu talo-galay.

3. Madasha Hoggaanka Qaran, Waxay ku Heshiisay Qaababka Faahfaahsan ee Hannaanka Doorashada, oo ay ka mid yihiin waajibaadka shaqo ee Guddiga Heerka Federaal ee Hir-gelinta Doorashooyinka Dadban (GFHD) iyo Guddiyada Hirgalinta Doorashada Dadban ee Heerka Dowlad Goboleed (GHDG). Guddiga xallinta Khilaafaadka Doorashada (GXKHD) Waxaa looga hadlayaa fadhiga soo socda ee Madasha Hoggaanka Qaran ee 20-ka Juune ka dhacaya Baydhabo.

4. Madasha Qaran, waxay mar kale ku celisay inay ka go’an tahay xaqiijinta ka-qayb-galka Siyaasadeed ee haweenka iyo metelaadooda. Sidoo kale Madashu waxay isku raacday in la qaado tallaabooyin dheeri ah oo kor loogu qaadayo ka-qayb-galka haweenka iyo metelaad-dooda. Madashu waxay soo dhawaynaysaa magacaabida uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadu u magacaabay guddi heer Qaran oo u ololeeya Taabo-gelinta & xaqiijinta in la gaaro qoon-dada loo xaddiday haweenka Somaliyeed.

5. Madasha Hoggaanka Qaran, Waxay si Guud isugu raacday in la sameeyo Khariidad/Tub Siyaasadeed oo Qeexan ee Sannadaha - 2016-ka illaa 2020-ka, si loo Xaqiijiyo Gaaritaanka doorashooyin leh halbeeg caalami ah (qof iyo cod) oo dhaca marka la gaaro 2020.

6. Madasha Hogaanka Qaran, waxay ku heshiisay in si dhaqso ah loo dhiso Gudiga GFHD iyo Guddiyada GHDG, iyadoo la rabo in Guddiyadaas lasoo magacaabo ugu dambayn 6-da bisha Juun 2016, shaqadooduna billaabaanto 10-ka Bishaan Juun 2016-ka. Guddiga GFHD wuxuu u xilsaarnaan doonaa dejinta qorshe hirgelin oo faahfaahsan iyo sidoo kale jadwalka doorashada (Kalandarka Doorashada) iyo inuu ku dhawaaqo Taariikhda ay doorashooyinka Sannadkan 2016-ka dhacayaan. Guddiyada GHDG, waxay u xil-saarnaan doonaan, Fulinta dhammaan howlaha doorashooyinka heer dowlad goboleed.

7. Marka Guddiga Heerka federaal ee hirgelinta doorashooyinka dadban ay ku dhawaaqaan natiijada kama dambeeysta ah ee liiska 275-ka mudane Waxaa kama dambeeynta saxiixaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda isaga oo ku soo saaraya faafinta rasmiga ah.

8. Madashu, waxay isku raacday in xubnaha ergada dooranaya halkii xildhibaan ee Aqalka hoose ay noqdaan 51-xubnood, halka markii hore ay aheyd 50 xubnood.

9. Ayadoo laga duulayo hehsiiskii horay loo gaaray ee ahaa in doorashada Xildhibaanada qaran ay ka dhacdo Xarumaha dowlad goboleedyada dalka ka jira, ayaa Madasha Hogaamiyayaasha qaranku si guud ugu heshiisay qeybinta xildhibaanada sida ku cad shaxda qaybinta xildhibaannada iyadoo saldhig looga dhigayo labadan qodob:

A. Qaybinta xildhibaanadan waa qaybin ku eg doorashada 2016 kaliya.

B. Qaybintani ma qeexeyso sida deegannada loo kala daganyahay, ee waa heshiis ku meel gaar ah oo ku salaysan 4.5, kuna eg xaaladda doorasho ee 2016-ka oo kaliya.

10. Madasha, waxay si qotodheer u dul istaagtay liiska odayaasha 135-ka, waxayna dood dheer ka dib isla garteen in dhamaystirka liiska kama dambaysta ah lagu go’aansado shirka Madasha ee lagu qaban doono Baydhabo 20-ka bisha Juun 2016.

11. Madasha Hoggaanka Qaran waxay go’aansatay in matalaada iyo maqaamka magaalada Muqdisho loo saaro guddi heer qaran ah oo ka kooban xubno ka kala socda heer federaal iyo heer maamul-goboleed, gudigaas oo ka soo talo bixin doona maqaamka gaarka ah ee caasimadda Muqdishu yeelanayso oo uu dastuurku tilmaamay. Gudigaasi wuxuu howshiisa ku soo dhamaystirayaa muddo lixdan maalmood gudahooda oo ka bilaabanaysa 4-ta Juun 2016.

12. Madasha Hoggaanka Qaran dood dheer ka dib waxay si wada jir ah isugu raacday;

A. Ansaxinta Siyaassadda Amniga Qaranka Soomaaliyeed (National Security Policy) oo ay xukuumaddu soo gudbisay.

B. Dhisidda Gudiga Amniga Qaranka sida ku cad Siyaasadda Amniga Qaran.

13. Madasha Hoggaanka Qaran waxay ku heshiisay in shirka soo socda ee Madasha lagu qabto magaalada Baydhabo oo xarun u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed 20-22-ka bisha Juun 2016.

14. Madasha Hoggaanka Qaran waxay ugu baaqaysaa saaxiibada Soomaaliya ee caalamka inay taageeraan diyaarinta iyo hirgelinta hanaanka doorashada kuna qabsoonto waqtigii loogu talo-galay.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya