4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 3 , 2016
Madaxweyne Xasan Shiikh & Dhiggiisa Erdoğan oo Maanta Kulan ku yeeshay Muqdisho (Sawiro)


Jimco, Juun 03, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta Kulan muhiim ah ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda uga wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada Amniga, Maal-gashiga, Dhaqaalaha, Culuunta Sayniska, Waxbarashada, Tiknoloojiyadda iyo arrimo kale.

Xasan Sheekh, ayaa dhiggiisa Turkiga uga mahad-celiyay sida Qiimaha iyo Sharafta leh ee Shacabka iyo Xukuumadda Turkiga u Garab-taagan yihiin Somalia, isla markaana Xiriirka Cusub ee Turkiga iyo Somalia uu indhaha Caalamka kusoo jeediyay Xaaladda Soomaaliya iyo in wax laga qabto.

Sidoo kale, Erdogan ayaa isagana sheegay in dalkiisu sii wadi doono taageerada uu siinayo Somalia, isla markaana ay ka Go’an tahay Xaqiijinta Somalia oo cagaheeda dib isku taagta.

Madaxweynaha Turkiga, ayaa Maanta booqasho Maalin ahayd ku yimid Muqdisho, iyadoo isaga iyo Wafdigiisa ay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyeen Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud, Marwadiisa, Qamar Cali Cumar iyo Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka.

Ugu dambeyntii, Wafdiga Madaxweyne Erdogan - ayaa Gellinkii dambe ee maanta dib uga Ambabaxay Muqdisho, waxaana sii sagootiyeen Madaxweyne Xasan iyo Xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya