4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 3 , 2016
SOOL: Dagaal laba Beel u Dhexeeya oo Sababay Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac


Jimco, Juun 03, 2016 (HOL) — Dagaal Culus oo u Dhexeeya laba Beelood oo Wada-dega tuulada Dharkeyn-geenyo oo ku dhawaad 70-KM dhinaca galbeed kaga aaddan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Dagaalkaan oo billowday gelinkii hore ee maanta ayaa illaa inta haatan la og-yahay Waxaa ku geeriyooday Toddoba ruux oo labada dhinac ah, iyadoo ay ku Dhaawacmeen tobaneeyo qof oo kale.

Maxamuud Axmed oo  ku sugan deegaankaas, ayaa HOL u sheegay in dagaalku uu si kadis ah ku billowday, Welina ay dhacayso Rasaas aanay garanayn khasaare dhabta ah ee hadda ay sababtay.

"Hadda deegaanka dhexdiisa ayay rasaastu ka dhacaysaa, labada dhinac waxaa soo gaaraya gurmadyo xoogan, mana muuqato saasaan lagu joojinayo xabadda," ayuu ku yiri hadalkiisa Maxamuud Axmed.

Sidoo kale, Xidhiidho lala sameeyay labada dhinac, ayaa wuxuu mid walba uu dhanka kale eedaynayaa inay xabadda billaabeen, balse dad dhexdhexaad ah ayaa sheegay in rasaastii u horreysay ay ka billaabantay Guriga uu Deegaanka ka degenaa Garaad Jaamac Garaad Cali oo ka mid ah cuqaasha Gobolka Sool.

Tuulada Saax-dheer, ayaa waxaa haatan ka socda dadaallo lagu joojinayo dagaallo Sanado badan u dhexeeyay dhinacyadan oo lix bilood ka hor heshiis lagu gaadhay in xukunnadii la qaatay lagu fuliyo, taasoo loo aanaynayo in kooxo diidan ay dagaalkan bilaabeen.

Dhanka kale, Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya inuu halkaas ku dhintay; Sulub Cali Gaas oo ahaa Wakiilka Garaad Cali Buraale oo Xanuunsan.

Koonfurta Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, oo ay labada Beelood Wada-degaan, ayaa Amnigeeda aad loo adkeeyay, Waxaana Guddoomiyaha Gobolka Sool oo aan la xiriirnay uu sheegay inay xakamaynayaan Gurmad Magaalada kaga baxa Dhinacyadaan, isla markaana ay ku hawalan yihiin sidii Colaadahaan ay wax uga qaban lahaayeen, baaqna ugu jeedin lahaayeen.

Si kasta ha ahaatee, Colaada kasoo cusboonaatay deegaanka ayaa ah mid walaac ku beertay Guud ahaan Bulshadda Gobolka Sool, iyadoo tobaneeyo sanno oo hore xalkeedu adkaaday, Waxaase dad badani hadal-hayaan in ciidamadda Killilka Shanaad ee dalka Itoobiya ay soo geli karaan, maadaama magaaladu ay tahay mid soohdintu dhexdeeda marto.

Wixii ka soo kordha wararka HOL ayaad kula socon doontaan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
Email.
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool