4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 3 , 2016
Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya oo Maanta Heshiisyo ku Saxiixday Muqdisho (SAWIRRO)


Jimco, Juun 03, 2016 (HOL) — Xukuumadaha Turkiga iyo Soomaaliya, ayaa Muqdisho ku kala saxiixday Maanta Heshiisyo ka kooban 9-qodob, waxaana saxiixa heshiisyadan Goob-joog ka ahaa labada Madaxweyne ee Turkiga iyo Soomaaliya.

Heshiisyada ay labada Waddan ay kala Saxiixdeen Maanta ayaa waxaa ka mid ahaa:

1. Heshiis la Xiriira dhinaca Canshuuraha.
2. Heshiis dhinaca Caafimaadka Xoolaha
3. Heshiis dhinaca Kobcinta iyo Xaq-dhowrka Maal-gashiga.
4. Heshiis dhinaca Tababarka Ciidanka Booliiska.
5. Heshiis dhinaca Waxbarashada.
6. Heshiis dhinaca Tababarka iyo iskaashiga Caafimaadka Millatariga.
7. Heshiis dhinaca Tamarta iyo Macdanta.
8. Iskaashi Dhex-maraya Wakaalada Wararka Somalia iyo Midda Turkiga
9. Heshiis dhinaca Shaqada, Shaqaaleynta iyo Tayeynta Xirfadaha.

Dhinaca Soomaaliya waxaa heshiisyadan u saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda, C/salaam Hadliye Cumar, Wasiirka Maaliyada, Maxamed Aadan Ibraahim & Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Sidoo kale, Dhinaca Turkiga Waxaa Heshiisyadaan u Saxiixay Wasiirka Dhaqaalaha, Nihat Zeybekci, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mevlüt Çavuşoğlu & Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Wararka Turkiga Andolu (AA), Senol Kazanci.

Intaas kaddib, Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo Dhiggiisa Turkiga Recap Tayyip Erdogan, ayaa si wadajir ah shir jaraa’id u qabtay ay sheegeen in Heshiisyadaan ay qayb ka yihiin sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya labada Dowladood.

Sidoo kale, Madaxweynayaasha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxay shirkooda jaraa’id ku sharraxeen Xiriirka u dhexeeya labada dowladood, kaasoo ay sheegeen inay ka go’an tahay inay sii xoojiyaan.

“Waxaa naga go’an inaan sii wadno Taageerada aan siinno Somalia,” ayuu Shirka jaraa’id ka sheegay Madaxweynaha Turkiga Recap Tayyip Erdogan. Isagoo Ammaanay horumarka ay ku tallaabsanayso Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa Ammaanay Taageerada uu Turkigu siiyo Somalia, isagoo yiri. “Taageerada Dowladda Turkiga ay Somalia siinayso waa mid kusoo beegantay Xilli Dalku uu kasoo kabanayo Colaado sokeeye, waana mid aan ammaanayo.”

Xukuumadda Turkiga, ayaa Somalia horay uga wadday mashaariic kala duwan oo u badan dhinaca horumarka iyo dib u dhiska, waxaana Turkigu uu Dowladda Somalia ku taageeraa lacago kaash ah, si ay Dowladdu ugu isticmaasho hawlaheeda.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Turkiga Recap Tayyip Erdogan oo booqashadii Saddexaad Maanta ku yimid Muqdisho, ayaa cambaareeyay weerarkii Al-shabaab ay Maalin ka hor la beegsatay Hoteelka Ambassador, kaasoo ay ku dhinteen ku dhawaad 20-qof oo ay ku jireen xildhibaanno.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Turkiga ayaa wuxuu horay u soo maray Uganda iyo Kenya oo ay Ciidammo kaga sugan yihiin Somalia, isagoo madaxda Dalalkaas kala hadlay sidii loo xoojin xiriirka ka dhexeeya Turkiga iyo Waddamadooda.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya