4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 3 , 2016
SAWIRRO: Madaxweynaha TURKIGA oo Maanta ka jaray Xarigga Safaarada Turkiga ee Muqdisho


Jimco, Juun 03, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Dalka Turkiga, Recap Tayyip Erdogan oo uu wehliyo Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray maanta dhismaha Safaaradda Turkiga ee Somalia, taasoo ah safaarada ugu weyn ee uu Turkigu ku leeyahay Calaamka oo dhan.

Xasan Sheekh iyo Recap Erdogan ayaa marka ay xarigga ka jarayeen safaaradda waxaa dhinac taagnaa labadooda xaas, waxaana markii ay safaaradda xarigga ka jareen lagu soo dhaweeyay sacab.

Sidoo kale, Recap Erdogan oo hadal ka jeediyay xafladda ayaa sheegay inay sii wadayaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, isla markaana ay sii joogi doonaan, Wuxuuna intaas ku daray inay dhisi doonaan xero lagu Tababaro Ciidamada Dowladda Federaalka Somalia.

“Waxaa naga go’an inaan sii wadno Taageerada aan siinayno Soomaaliya, waanan sii joogi doonaa, Mar kalena waan soo booqan doonaa Somalia,” ayuu hadalkiisa ku daray Erdogan oo xafladda ka hadlayay.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa dhankiisa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Maanta ay kusoo dhaweeyaan Muqdisho, ayna xarigga ka jaraan safaaradda dalka Turkiga ee Muqdisho, oo uu xusay inay tilmaan u tahay xiriirka ka dhexeeya Labada Waddan.

Dhanka kale, Madaxweynaha Turkiga ayaa lagu wadaa inuu Madaxda Somalia la saxiixdo heshiisyo ay Dowladda Turkiga kaga fulinayso Muqdisho Mashaariic kala duwan, kuwaas oo qayb ka ah horumarinta Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Amniga Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo Waddooyinka isku xira Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Madaxtooyada iyo Weliba Safaaradda Turkiga loo diidayay inay dadka iyo gaadiidku maraan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya