4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 3 , 2016
MAREYKANKA: Halista Argagaxisadu Waxay ku sii Baahaysaa Caalamka oo Dhan


Jimco, Juun 03, 2016 (HOL) — Wasaaradda arrimaha dibadda Wadanka Maraykanka ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in cabsidii dhinaca argagixisada ahayd ay hadda baah-day oo aanay jirin hal meel oo loogu hagaagayo Argagaxisada.

Warbixinta Sanadle, ayaa lagu sheegay in Ururrada ay Awoodoodii Gaarsiiyeen Gobollo dhawr oo ah oo Caalamka ku yaalla, sida Koonfur-bari Aasiya, Gobolka Qooqaas ee Waqooyiga Dalka Ruushka iyo Qaaradda Afrika.

Sidoo kale, Waxaa la sheegay in Kooxaha Boko Haram iyo Al-shabaab oo Soomaaliya iyo Nigeria ka dagaallama ay qaadayeen weerarro Amniga lagu qal-qal-gelinayo, ayaa hadana dhanka kale kooxda ISIS/Daacish waxay tahay halista ugu weyn ee uu Caalamku wajahayay Sannadkii lasoo dhaafay ee 2015-ka.

Ugu dambeyn, Iiraan, ayaa loo arkay waddan taageera Argagixisada, iyadoo lagu eedeeyay inay taageerto kooxda Xisbulaah ee ka dagaalanta Lubnaan, ururo argagixiso oo la sheegay inay Falastiin joogaan iyo xag-jiriin kale oo Ciraaq iyo dalal kale oo bariga dhexe jooga.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya