4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 3 , 2016
Maydadka Tahriibayaal fara badan oo laga helay Xeebaha Dalka Liibiya


Jimco, Juun 03, 2016 (HOL) — Maydadka tahriibayaal tiro badan ayaa laga helay xeebta dalka Liibiya, kuwaasoo la sheegay inay ka mid ahaayeen tahriibayaal ay la dageen doomo ay ku safrayeen toddobaadkii hore.

Wararka ayaa intaas ku daray in maydadkan ay ku soo caariyeen xeebaha deegaan ku dhaw magaalada Zuwara oo ku taalla galbeedka dalka Liibiya.

Sidoo kale, Waxaan waxaa tirada Tahriibayaasha maydadkooda la helay lagu sheegayaa in ay gaarayaan illaa 85-qof, balse ma jirto cid si dhab ah u sheegtay tirada oo sax ah.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Hay'adda Bisha Cas ee Dalka Liibya, ayaa maydadkaas soo Daad-gureeyay, iyagoo sheegay in Maydadkaas ay Muuqaal ahaan u eg-yihiin kuwo ka yimid dalalka ka hooseeya Saxaaraha Afrika.

Dhanka kale, Magaalada Zuwara ee Waddanka Liibiya ayaa ah meel ay inta badan ka baxaan doomaha xeebaha Liibiya ka qaada Tahriibayaasha ku socda Talyaaniga si ay ugu sii gudbaan Waddamada kale ee Yurub.

Ugu dambeyn, Doomaha Qaaada Mujaahidiinta ayaa inta badan si aad ah loo buux-dhaafiyaa, taasoo keenta in doonidu ay ku dagto gudaha Badweynta ayna intooda badan ku dhintaan dadka Tahriibayaasha ah.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya