4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 24, 2016
Qaxootiga Dhadhaab Celintiisa oo La Qiyaasay Inay Ku Bixi Doonto KSh20 Bilyan

Jimce, Juun 24, 2016 (HOL)-Waxaa la qiyaasay inay celinta qaxootiga Soomaalida ah ee kunool xeryaha Dhadhaab ee Kenya ay ku bixi doonto lacag dhan Ksh20 bilyan.

Waxaa sidaa lagu sheegay warbixin uu soo saaray guddi farsamo oo arinkaa ku saabsan celinta qaxootigaa loo xil saaray.

Qarashkaas waxaa kujira raritaanka qaxootiga ama celinta iyo deeqo lacageed oo qaxootiga lasiinayo taasoo gacan qabsi ah iyo weliba u gaditaanka alaabo aan cunno ahayn (NFIs).

Dawlada Kenya ayaa durba u meel dhigtay Ksh1b celinta qaxootigaa.

Warbixinta oo loo gudbiyay ama guddigaasi u gudbiyay Wasaarada Amuuraha Gudaha ee Kenya ayaa muujinaysa in inta badan qarashka la filaayo inuu ku baxo celinta qaxootigaa Dhadhaab looga fadhiyo QM.

Warbixintaas oo ka kooban  23 bog ayaa muujinaysa in deegaanka ay wax u dhimeen qaxootigaa oo gaaraya in ka badan 300 oo kun isla markaana ay tahay in sida ugu dhaqso badan loo celiyo.

Ilaa iyo haatan waxaa dib Soomaaliya ugu noqday qaxooti dhan 14,000 qorshaha ay ku laabteen ayaana qeyb ka ah heshiis ay wada saxiixdeen UNHCR, waa hayada QM u qaabilsan qaxootiga, Kenya iyo Soomaaliya sanadkii 2013 kaasoo dhigaya inaan qaxootiga la qasbin ee iskood ay u laabtaan.

Qaxootiga Soomaalida ah ee Dhadhaab ayaa halkaa kunoolaa tan iyo horraantii sagaashameeyadii markii ay dhacday dawladii dhexe ee Soomaaliya.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]
Magaalada Nairobi, Kenya.