4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 24, 2016
Barnaamij Soo Bandhigay Taariikhda Nin Soomaali ah oo Abaal Marin Helay


Yaxya Samatar


Jimce, Juun 24, 2016 (HOL)-Barnaamij idaacadeed oo laga sii daayay idaacada CBC ee dalka Canada kuna saabsan nin dhallin yaro ah oo Soomaali ah oo qaxooti ah oo galay gobolka Manitoba  ee Canada sanad ka hor ayaa ku guuleystay abaal marin dhanka saxaafada ah gaar ahaan baahinta wararka idaacadaha.

Ninkaa Soomaaliga ah ee dhallinyarada ah ayaa waxaa lagu magacaabaa Yaxya Samatar.

Abaal marintaas ayaa waxaa lagu bixiyay magaalada New York ee dalka Mareykanka 20kii bishaan Juun.

Barnaamijkaa ayaa waxaa loo bixiyay magaca 'Udabaalashada Xornimada/Swimming to Freedom'  waxaana markii ugu horeysay laga sii daayay idaacadaasi CBC bishii 9aad ee kal hore. 

Abaal marinta lasiiyay ayaa ah in uu barnaamijkaasi noqday kan dhanka arimaha bulshada ugu fiicnaa intii lasoo bandhigay.

Wuxuu helay barnaamijkaasi billad dahabi ah.

Kaj Hasselriis, oo ah soo saaraha barnaamijkaa ee idaacada CBC ayaa guddoomay billadaa xaflad lagu qabtay New York intii ay socotay.


Kaj iyo Yaxya


"Waxaa sidoo kale nagu dhiirriyay inaanu ku guuleysano sheeko u dabbaal dageysa qof soo galooti ah oo wax dhiirigalinaaya. Waxaan ugu mahad celinaayaa Yaxya inuu taariikhdiisa nagu aaminay." Sidaa ayuu yiri Kaj.

Wiilkaa ayaa Soomaaliya kasoo qaxay rafaad badan iyo silicna ku galay Canada asagoo webi khatar ah oo lagu magacaabo Red River dabaal uga gudbay uga dambeyn.

Dhowr asbuuc kadib markii uu dalkaa galay ayaa sharciga qaxootinimada ee dalkaasi Canada la siiyay Yaxya.

Yaxya Samatar haatan waa hoggaamiye bulsho oo kunool Winnipeg, halkaas oo uu iskoolna ka dhigto una shaqeeyo hayad sadaqada kheyriga ah uruurisa oo lagu magacaabo Creaddo Group.

Wuxuu rajeynayaa inuu keeno xaaskiisa iyo afartiisa carruurta ah Canada labada sano ee xiga.