4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 24, 2016
David Cameron oo Lagu Wado Inuu Iscasilo Kadib Markii Dadka Britain u Codeeyeen inay Ka Baxaan Midowga Yurub

Qariidad muujinaysa sida codeeyeyaashu u kala codeeyeen-meelaha dadka rabay in Ingiriisku kasii mid ahaado dalalka Midowga Yurub ay joogeen iyo meelaha dadka in dalkaasi ka baxo midowgaa rabay ay joogeen
Sarrifle eegaaya heerarka kala iibsashada lacagaha qalaad-maanta oo hoos u dhac weyn laga dareemay giniga Ingiriiska qiimahiisa-xaquuqda sawirka/AP
Jimce, Juun 24, 2016 (HOL)-Raisul wasaaraha dalka Britain David Cameron ayaa lagu wadaa inuu xilka iska casilo wixii loo gaaro bisha Oktoobar maadaama dadka dalkaasi Ingiriisku badi u codeeyeen in dalkaasi uu isaga baxo Midowga Yurub oo uu tobanaan sano ka tirsanaa.

Arintaan ayaa timid kadib markii uu qiray in loo baahan yahay in hoggaan cusub loo helo isbaddalkaasi dalkiisa ka dhacay.

Asagoo ka hadlaayay waddada Downin Street ee London kadib markii la shaaciyay natiijadii kama dambeysta ahayd ee aftidii shalay la qaaday ee kusaabsanayd bal in Ingiriisku kasii mid ahaado dalalka Midowga Yurub iyo in kale, ayaa David Cameron uu sidaa shaaca ka qaaday.

Wuxuu sheegay inuu  xilka isku dayi doono inuu sii hayo asbuucyada iyo bilaha soo socda balse ay lama huraan tahay in dalka loo helo hoggaan cusub oo la jaan qaada isbaddalka la sameeyay ee ah ka bixitaanka Ingiriisku ka baxay Midowga Yurub.

Intii lagu jiray u diyaar garowga aftida ayaa Mr. David Cameron wuxuu kula talinaayay codeeyeyaasha inay u codeeyaan kasii mid ahaanshaha dalalka Midowga Yurub laakiin waxay natiijadu noqotay 52%  bixitaan ah iyo  48% joogitaan ah oo waxaa cod batay dadka ayagu u codeeyay in dalkaasi isaga baxo midowgaa.

Wuxuu ka digaayay oo ahaa in hadii dalkaasi ka baxo midowgaa dhaqaalo xumo arinkaa uu keeni doono ayaa durba la moodaa inuu soo muuqday ayadoo giniga Ingiriisku hoos u dhacay qiime ahaan marka loo eego doolarka Mareykanka.

Wuxuu hoos u dhacay heer uusan hoos ugu dhicin tan iyo sanadkii 1985. Arintaan hoos u dhaca ah ayaa timid kadib markii suuqyadu ay ka fal celiyeen natiijada aftida!

Si kastaba ha ahaatee, Mr. David Cameron wuxuu sheegay in raisul wasaare kale ay tahay inuu sii wado wada xaajoodyada lala leeyahay Midowga Yurub  gaar ahaana ay ka wada hadlaan Qodobka 50 ee Heshiiskii Lisbon kaasoo siinaya Ingiriiska labo sano oo uu ka fiirsado ka bixitaanka midowgaa.

"Dadka Ingiriisku waxay u codeeyeen in dalku ka baxo Midwoga Yurub rabitaankoodana waa in la qaddariyo," sidaa ayuu hase ahaatee yiri Mr Cameron.

71.8% dadkii aftida isu diiwaan galiyay ayaa codeeyay. Waxaa aftidaa codeynteeda ka qeyb qaatay in ka badan 30 milyan oo qof taasina waa tiradii ugu badnayd ee ah codeeyeyaal ee la diiwaan galiyo dalkaa gudihiisa tan iyo sanadkii 1992.

Wasiirka Amuuraha Dibada ee Jarmalka Frank Walter Steinmeier ayaa ku tilmaamay natiijada aftidaa maalin murugo u leh Yurub iyo dal weynaha Ingiriiska (Great Britain).

Ingiriiska ayaa noqday dalkii ugu horeeyay ee ka baxaaya Midowga Yurub tan iyo markii midowgaa la sameeyay.

Si kastaba, hannaanka ka bixitaanka midowgaa ayaa ku qaadanaaya ugu yaraan labo sano oo hada kadib ah.

Ka bixitaanka ayaa saamaynaaya ganacsiga Ingiriisku la leeyahay dalalka Midowga Yurub gaar ahaan isu socodka iyo dhaqdhaqaaqa shaqaalaha.

Dadka qaadaa dhiga siyaasada ayaa sheegaya in hadaba ay tahay in dawlada Ingiriisku kala xaajooto Midowga Yurub mustaqbalka xiriirka ganacsiga ee ka dhexeeya Ingiriiska iyo Midowga Yurub isla markaana ay dardar galiso xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Ingiriiska iyo dalalka aan ka tirsanayn Midowga Yurub.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]