4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 23, 2016
Dowladda Uganda oo ku dhawaqday Maanta inay Ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya 2017-ka


Khamiis, Juun 23, 2016 (HOL) — Xukuumadda Uganda oo ah tan ciidamada ugu badan ee ka Tirsan Hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM ay kaga sugan yihiin Somalia, ayaa shaacisay maanta inay ciidamadeeda la baxayso Sannadka soo socda ee 2017-ka.

Uganda ayaa waxay ahayd dalkii ugu horreeyay oo ciidammo nabad-ilaalin ah u soo dira Soomaaliya Sanadkii 2007-dii, iyadoo sanado kaddib ay kusoo biireen Ciidammo kale oo Afirkaan ah, kuwaas oo qaatay magaca AMISOM, si ay ula dagaalamaan Al-shabaab oo isku dayaysay inay xukunka ka tuurto Dowladdii Somalia.

Ciidanka Midowga Afrika ee Somalia ku sugan [AMISOM] oo ay Tiradoodu ka badan tahay 22,000 Askari, ayaa 6,200 oo Askari oo ka mid ahi ka Socdaan dalka Uganda, halka inta kalena - ay ka kala socdaan Dalalka; Burundi, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya.

"Waxaanu qorsheynaynaa inaanu ciidamadeenna kala baxno Somalia laga billaabo bisha December ee Sannadka 2017-ka," ayuu yiri Taliyaha Millateriga Dalka Uganda, Jen. Katumba Wamala oo Maanta War-fidiyeenka kula hadlayay magaalada Kampala ee Xarunta Waddanka Uganda.

Jen. Wamala ayaa intaas ku daray. "Go'aankaan waa mid ay Uganda si toos ah u qaadatay, waxaana ku war-gelinnay xubnaha gacanta siinayay ciidanka Midowga Afrika ee Somalia ku sugan."

Hadalka Taliyaha Ciidamada Difaaca Uganda, ayaa kusoo beegmaya iyadoo Afhayeenka Millateriga Uganda, Col. Paddy Ankunda uu bishii lasoo dhaafay sheegay in dib u eegis lagu Sameynayo ku lug-lahaanshahooda Hawl-galka AMISOM ee Soomaaliya.

Inkastoo Jen. Katumba Wamala uusan sheegin sababaha ay Ciidamadooda ay uga saarayaan Somalia, ayaa Haddana wuxuu yiri. "waxaan la joogaa xilligii ay Ciidamadeennu dib ugu soo laaban lahaayeen waddankooda."

Sidoo kale, Go'aanka Uganda ay ku dhawaaqday inay ciidamadeeda Somalia uga saarayso, ayaa kusoo beegmaya iyadoo ururka Midowga Yurub ay shaaciyeen inay qayb ka mid ah dhaqaalihii ay siin jireen AMISOM iyo iyadoo Golaha Ammaanka ee QM ay dhawaan kordhiyeen Xilliga hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Midowga Yurub, ayaa Bishii Jannaayo ee Sannadkaan, waxay ku dhawaaqday in ay lacagihii ay siiso AMISOM ka jarayso 20%, kaddib markii uu ururku dalalka ay ciidamadan ka socdaan ku eedeeyay in qaarkood aysan ciidamadooda Soomaaliya ka hawl-galaya siin mushaaraadkooda oo dhameystiran.

Dhanka kale, Dowladda Kenya ayaa go'aanka Midowga Yurub kaddib, waxay ku goodisay in ay kala baxayso Somalia 3,700 oo Askari oo Somalia uga sugan, gaar ahaan Gobollada Koonfurta ku yaalla.

Ugu dambeyntii, Xukuumadda Uganda ayaa waxay sidan oo kale ugu goodisay Sanadkii 2012-kii inay soo Ceshanayso Ciidankeeda Nabad-ilaalinta uga jooga Waddamada Afrika, Kaddib markii QM ay ku eedeysay inay gacan siiso xoogagga mucaaradka ah ee Waddanka Congo oo ay daris yihiin.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya