4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 23, 2016
SAWIRRO: Saraakiil ka tirsan Booliiska Somalia oo Maanta Tababar loogu soo xiray dalka Jabuuti


Khamiis, Juun 23, 2016 (HOL) — Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo ay tiradoodu tahay 170-Askari, ayaa maanta Tababar loogu soo Gunaanaday Dalka Jabuuti, iyadoo Munaasabaddii Xiritaanka Tababarkaan ay ka Qayb-galeen Saraakiisha ciidanka booliiska Somalia, Jabuuti, Midowga Yurub iyo Talyaaniga oo si gaar ah tababarkan u bixinayay.

Taliyaha Booliiska Soomaaliya, Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo hadal ka jeediyay xafladdii Xiritaanka Tababarkaan oo ka dhacay Dalka Jabuuti, ayaa ugu horreyn u mahad-celiyay shacabka iyo Dowladda Jabuuti oo Askartan ka tirsan booliska Soomaaliya kusoo dhaweeyay waddankooda, isagoo xusay in tallaabada Jabuuti aysan marnaba hilmaami doonin shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Jen. Xaamud ayaa u mahad celiyay Midowga Yurub, isagoo si gaar ah ugu mahad-celiyay Carabinieri-ga Talyaaniga oo askartan tababarayay intii ay ku Sugnaayeen Jabuuti, Wuxuuna sheegay in Talyaaniga ay Garab-taagan yihiin Ummadda Soomaaliyeed iyo Dib-u-dhiska Ciidamada Boliiska Soomaaliya.

Jen. Xaamud, ayaa wuxuu intaas kaddib la dardaarmay saraakiishan booliiska Somalia oo dhameystay Tababarro ku saabsanaa; habka dambiyada looga hor-tago, la-dhaqanka shacabka, xiriirka Boliiska iyo Shacabka ka dhaxeeya iyo Qaabka loo baaro Falal Dambiyeedyada, isagoo ku boorriyay in ay muhiim tahay inay ummaddooda iyo Dalkooda uga faa'iideeyaan waxyaabihii ay soo barteen, Isla markaana ay shaqooyinkooda ku dabaqaan.

"Boliiska waa saaxiibka Shacabka, marka Waxaan idin kula Dar-daaramayaa inaad si daacad ah oo ay Soomaalinimo ku jirto ugu adeegtaan Shacabka Soomaaliyeed, isla markaana aad iska ilaalisaan gabi ahaan Waxyaabaha sharaf dhaca u keenaya Ciidamada Booliiska Somalia," ayuu yiri Jen. Xaamud.

Ugu dambeyntii, Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidammo boolis ah Somalia loogu tababaro dalka Jabuuti, iyadoo Sannadihii lasoo dhaafay Sidaan oo kale Ciidammo Booliis ah Tababarro loogu siiyay Waddanka Jabuuti.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya