4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 23, 2016
BALADWEYNE: Ururka dib-u-dhiska Somalia oo Maanta deeq gaarsiiyay 500 oo Qoys (SAWIRRO)


Khamiis, Juun 23, 2016 (HOL) — Ururka dib-u-dhiska Somalia oo fadhigiisu yahay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa maanta deeq raashin ah u qeybiyay 500 oo qoysas danyar ah kuwaa oo ay saameyn ku yeelatay fatahaadii dhawaan ku dhufatay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xog-hayaha ururka C/xakiin Faarax Kooshin oo goob joog u ahaa qeybinta kaalmada ayaa sheegay in ilaa Lix masjid ah oo ku yaala gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka laga soo uruuriyay lacag dhan $ 29, 000 oo doolar [Labaatan iyo Sagaal Kun oo doolar] oo 500 qoysas danyar ah loogu iibiyay raashin ku filan mudo 30 cisho ah.

''Markaan aragnay dhibaatada heysata dadka danyarta ah oo saameynta ay ku yeesheen fatahaada iyo dagaalladii ka dhacay magaalada Beledweyne waxaan isla garanay in aan soo gaarsiino deeqdan raashinka ah oo lagu soo iibiyay lacag laga soo uruuriyay ilaa Lix masjid oo ku yaala gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, waxaana lacagtan la baxay dad muxsiniin ah oo Soomaaliyeed'' ayuu yiri C/xakiin Faarax Kooshin.

Dadkii ka faa'ideysatay deeqda ama gargaarka la soo gaarsiiyay ayaa uga mahad celiyay ururka dib-u-dhiska Soomaaliyeed raashinka ay u qeybiyeen.

Ugu dambeyntii, Tan iyo wixii ka danbeeyay fatahaadii dhawaan ku dhufatay magaalada Beledweyne, waxaa hadba isa soo taraya gargaarka kala duwan ee la gaarsiinayo qoysaska danyarta ah oo wajahaya xaalad adag xili lagu guda-jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya