4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 23, 2016
SAWIRRO: Hoggaamiyeyaasha Somalia ee ku shirsan Baydhabo oo la kulmey Beesha Caalamka

Khamiis, Juun 23, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda xubnaha ka ah Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo oo maalintii labaad uu shirka madasha ka socdo.

Qodobbada Shirka looga hadley, ayaa Waxaa ka mid ah Hannaanka Doorashada 2016-ka, Guddiyada Doorashada, Maal-gelinta iyo Saadka Doorashada, Qoondada 30% ee Haweenka goleyaasha qaranka ay ka helayaan, Amniga iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay in wax walba ay si habsami ah u socdaan, isla markaana ay madaxda si adag uga hadlayaan wax kasta oo fududeyn kara doorashadan taariikhiga ah ee dalka ka dhacaysa bisha August.

"Doorashadan muhiim ayay u tahay dhismaha Soomaaliyada cusub ee dimoqaadiga ah.Sidaa darteed waxa alagama maarmaan ah inaan wax walba oo fiican u hurno. Sidaa awgeed guddiyada doorashada ee heer gobol iyo heer federal, waxaan isku raacney in siyaasiyiinta laga reebo, Hawlahaana loo daayo guddiyo farsamo si aan u kasbano kalsoonida dadka, una abuurno xaalad horseedi karta doorashooyin xalaal iyo xor ah oo dalka ka dhaca. Waxaa dhammaanteen naga go’an in doorashada ay qabsoonto waqtiga loogu tala-galay,’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale, Wuxuu Madaxweyne Xasan sheegay in xoogga la saari doono sidii haweenka ay u heli lahaayeen qoondada 30% ee lagu heshiiyey in laga siiyo goleyaasha qaranka, isagoo haweenka ku booriyay inay ka shaqeeyaan inaanay farahooda ka bixin 14% kuraasta ay hadda Baarlamaanka ku leeyihiin, 16% ee ka dhimanna ay u ololeeyaan sidii ay ku heli lahaayeen.

Waxaa kaloo kulankaas lagu la-faguray fududeynta maalgelinta iyo saadka doorashada iyo diyaarinta qorshe hufan oo dhinaca amniga ah.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Somalia, Danjire Michael Keating, oo magaca Wakiilada Beesha Caalamka ku Hadlayay, ayaa Shaaciyay in ay soo Dhaweynayaan Horumarka ay Sameeyeen hoggaamiyeyaasha siyaasada, isagoo ku dhiirigeliyey inay ka dhabeeyaan riyada dadka Soomaaliyeed ee ah in doorashooyin ay dalka ka dhacaan.

Danjire Keating ayaa intaas ku daray in Beesha Caalamka ay si dhameystiran u taakuleyn doonto hawlaha Doorashooyinka Soomaaliya ayna diyaar u yihiin inay Soomaalida arrimahaas kala shaqeeyaan.

Kulankaasi kaddib ayaa Madaxweynaha Soomaaliya, madaxda madasha iyo wakiillada beesha caalamka waxay kulan la yeesheen guddiga u qaabilsan qoondada haweenka ee matalaadda goleyaasha qaranka oo ay iska soo qaadeen xaqiijinta kuraasta ay haweenka helayaan doorashada dhaceysa sannadkan 2016-ka.

Ugu dambeyn, Madaxda kulamadan ka Qayb-gashay ayaa waxaa ka mid ah Guddoomiyha Baarlamaanka, Maxamed Cusmaan Jawaari, RW-ha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, Madaxda Maamul-goboleedyada Somalia, Dhanka Beesha Caalamkana waxaa joogay wakiilka Mareykanka ee arrimaha Somalia, Donald Yamamoto, Wakiillada Midowga Afrika, Talyaaniga, Sweden, Kenya, Ethiopia, Uganda, Britain iyo kuwo kale.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya