4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 23, 2016
Kulankii Golaha Wasiirrada Somalia ee Maanta oo lagu Meel-mariyay Xeerka Kaalmada Sharciga


Khamiis, Juun 23, 2016 (HOL) — Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Somalia, ayaa maanta yeeshay shirkii joogtada ahaa, waxaana looga hadlay qodobbo dhawr ah oo uu Amnigu ka mid ahaa; iyadoo lagu ansixiyay sharciga kaalmada.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa golaha uga warbixiyay amniga guud ee dalka, isagoo xusay in toddobaadkii la soo dhaafay Xaaladda Guud ee Dalka ay daganayd, isla markaana ay yaraayeen Falalka ay Nabad-diidku geysanayaan, Wuxuuna xusay Wasiirku in la Qaaday tallaabooyin looga hortagayo falalka argagixisada.

Kulankii Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu Ansixiyay qaab Siyaasadeedka Qaran ee kaalmada sharciga, kaasoo ay Golaha u soo Gudbisay Wasaaradda Caddaaladda.

Qaab Siyaasadeedkaan ayaa ka caawin doono dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwooda Taagta daran iyo Haweenka inay helaan galaan-galka adeegyada Garsoorka Dalka.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa warbixino la xiriirta heshiis ay wada saxiixan doonaan xukuumadaha Qadar iyo Somalia ee la xiriira iskaashiga caafimaadka ka dhageystay Wasiirada Caafimaadka Somalia Xaawo Xasan Maxamed, waxana ay dood kadib, goluhu ogollaadeen heshiiskaas.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya