4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 23, 2016
C/SAMAD GALAN: Ciidamada Puntland ayaa soo Weeraray Fariisimaheenna Waana iska Caabinay


Khamiis, Juun 23, 2016 (HOL) — Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari, C/samad Maxamed Galan oo Maalmahaan Abaabul dagaal kawaday Deegaanno ka tirsan gobolka Bari, ayay Ciidamadiisa iyo kuwa Puntland waxay saakay ku dagaalameen duleedka degmada Carmo.

Dagaalkan, ayaa lagu soo warramayaa inuu yimid kaddib markii ciidammo ka tirsan kuwa Puntland ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada Galan ay ku lahaayeen duleedka Carmo, halkaana dagaal uu ka qarxay.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu dhaliyay khasaare kala duwan oo soo kala gaartay dhinacyadii dagaallamay, inkastoo aan si dhab ah loo ogoyn khasaaraha inta uu le'eg yahay.

Balse, C/samad Galan oo la hadlay Idaacadaha Muqdisho ayaa ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay ka gubeen baabuur dagaal oo qoriga Zuu-ga loo yaqaan uu saarnaa. isagoo intaas ku daray inay jiraan Askar ay ka Puntland ka dhaceen, balse ma uusan sheegin khasaare ciidamadiisa soo gaaray.

"Aroornimadii hore ee saaka waxaa i soo weeraray ciidammo ka Amar-qaata C/wali Gaas, kuwaasoo watay gaadiid dagaal, khasaare ayaana dagaalkaas kasoo gaaray oo gaari ayaan ka gubnay," ayuu yiri C/samad Galan.

Dhanka kale, Wuxuu xusay inay iska caabiyeen oo ay dib uga riixeen Ciidanka Puntland Goobihii ay soo weerareen, balse wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo khasaaraha dhankiisa soo gaaray.

Ugu dambeyn, Maamulka Puntland ayaan weli dhankiisa ka hadlin dagaalkan la sheegay inuu saakay ciidamadooda iyo kuwa Galan ku dhexmaray meel ku dhaw degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya