4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 23, 2016
SAWIRRO: Shacabka Britain oo AFTI u Qaadaya in UK ay ku sii jirto Midowga Yurub iyo in kale


Khamiis, Juun 23, 2016 (HOL)
Britain ayaa Waxaa maanta oo Khamiis ah looga codeynayaa inay UK kasii mid ahaado Midowga Yurub iyo in kale; iyadoo mas'uuliyiinta iyo shacabka dalkaas ay aad ugu kala duwan yihiin inay Midowga Yurub kasii mid mid ahaadaan iyo inay ka baxaan.

Goobaha cod-bixinta ayaa furmay aroornimadii hore, iyadoo ay aftidooda dhiibanayaan dad tiradodu gaarayso 46,499,537 oo qof, Waana tiradii ugu badnayd ee Codbixiyeyaal ah oo abid ka qayb-qaata cod-bixin dalkaas ka dhacaysa.

Sidoo kale, Aftidaan ayaa noqonaysa tii Saddexaad ee soo marta Taariikhda Britain, waxayna ku soo Beegmaysaa kaddib muddo Afar bilood ah oo uu socday olole lagu doonayay in Dhinacyada iska soo horjeeda ay ku hantaan kalsoonida cod-bixiyeyaasha.

Doorashadaan, ayaa waxaa ku guuleysan doona dhinicii codadka ugu badan hela, iyadoo dhinacyadan uu dhinac doonayo in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub, halka dhinaca kalena uu doonayo in lagu sii jiro.

Ugu dambeyn, Natiijada Aftida ayaa laga yaabaa inay kala caddaato isla maanta, ka hor intaan si rasmi ah loogu dhawaaqin natiijada aftidan Jimcaha berri ah.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya