4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2016
Isku Duwaha Waqooyi-bari Kenya: Shabaab Ramadaanka Weeraro Ayay Qorsheynayaan

Khamiis, Juun 23, 2016 (HOL)-Isku duwaha gobolka Soomaalida ee Waqooyi-bari Kenya, Maxamed Saalax ayaa shalay sheegay in warbixino sirdoon ay sheegayaan in xarakada Shabaab ay bishaan Ramadaan qorsheyneyso weeraro waaweyn.

Wuxuu ka digay in weeraro culculus ay xarakadaasi la damacsan tahay goobaha dadweynuhu ku kulmaan, xafiisyada dawlada, saldhigyada biliiska iyo kolonyada militariga.

Wuxuu intaasi ku daray inay qorsheynayso xarakadaasi weeraro ku wajahan gobolada Nairobi iyo Xeebta.

“Waxaanu helnay xog sir ah oo muujinaysa in al-Shabaab ay qorsheysay weeraro kuwajahan carriga Kenya inta lagu jiro Ramadaan,” Maxamed Saalax ayaa sidaa yiri.

Si kastaba, wuxuu sheegay in amniga haatan aad loo adkeeyay gaar ahaan xafiisyada dawlada, meelaha dadku ku kulmaan iyo xadka Kenya iyo Soomaaliya u dhexeeya.

Isniintii lasoo dhaafay, weerar ayaa ka dhacay Ceel-waaq Kenya kaasoo loo malaynaayo in xarakada Shabaab ay soo qaaday. 

Weerarkaa ayaa lagu qaaday gaari boolis oo galbinaayay gaari kusii jeeday Mandheera oo bas ah.

Shan ka tirsan booliska Kenya ayaa halkaa ku dhintay afar kalena waa ku dhaawacmeen.

Kenya ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo iyo weeraro kooxda Alshabaab ay sheegatay tan iyo markii sanadkii 2011 ay ciidamada Kenya ee KDF ay galeen Soomaaliya.