4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 23, 2016
Diyaarado Duqeeyay Qeybo Ka Mid ah Gedo oo Carruur Dilay

Khamiis, Juun 23, 2016 (HOL)-Shalay galinkii dambe ayaa diyaarado waxaa ay duqeeyeen tuulo lagu magacaabo Ilaale oo kutaal gobolka Gedo gaar ahaan meel u dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya kala qeybiya.

Tuulaadaa ayaa wararku waxay sheegayaan inay u jirto xadka 15km waxayna hoos timaadaa Ceel-waaq Soomaaliya.

Afar carruur ah-3 wiil iyo gabar ayaa lagu soo waramay inay halkaa ku dhinteen kadib markii diyaaradahaasi la heleen hubkii ay soo ridayeen.

Goobjoogeyaal ayaa warbaahinta caalamiga ah u sheegay in diyaaradahaasi laga leeyahay dalka Kenya.

Si kastaba ha ahaatee, diyaaradahaa ayaa waxaa la sheegay inay beegsanayeen Al-shabaab. Waxaa sidoo kale wararku sheegayaan in kasokow carruurtaa ay duqeynta ku dhinteen xoolo badan gaar ahaan geel.

Marar badan ayaa dad shacab ah lasoo tebiyay inay ku waxyeeloobeen duqeymaha diyaaradaha Kenya ay ka geystaan gudaha Soomaaliya.