4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 22, 2016
DAAWO: Wafdi ka Socday IGAD iyo Itoobiya oo Maanta la Kulmay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif
Arbaco, Juun 22, 2016 (HOL) Wafdi uu Hoggaaminayo Wakiilka IGAD ee Soomaaliya, Danjire Maxamed Cabdi Afay oo ay ka mid ahaayeen Wakiilka Wasaaradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Jen Gabre oo maanta soo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, iyagoo kulan Saacado qaatay la yeeshay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Kulankan oo ahaa mid si gaar ah u dhaxmaray Ugaaska iyo wafdiga socday IGAD iyo Itoobiya, ayaa markii uu soo dhamaaday Waxaa Shir jaraa'id wada jir u Qabtay Danjire Maxamed Afeey iyo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo xusay sheegay in ay ka wadda hadleen inta badan siddii loo dhaqaajin lahaa dhismaha dowlad gobolleedka labada gobol Hiiraan iyo Sh/dhexe.

''Runtii waan ku faraxsannahay in aan maanta soo booqano Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo siweyn noo soo dhaweeyay, guud ahaan waxaan ka wadda hadalnay xaalada dalka Soomaaliya, gaar ahaan maamul gobolleedyada sameysmaya ee dalka, iyo in gobolka Hiiraan oo ah gobol taariikh fog leh uusan ka harin, wax badan is afgarad ayaan ka gaarnay, wixii dhimanna dib ayaan uga balannay'' ayuu yiri danjire Afey.

Ugaas Xassan Ugaas Khaliif ayaa siddoo kale sheegay in qodobadii ay ka wadda hadlleen isaga iyo wafdiga isku afgarteen, inkastoo sidda uu hadalka u dhigay wali arrimo badan dhiman harsan yihiin oo waqti kale loo balamay, waxaana uu intaa ku darray in wax walba leysku afgaran karo haddii aan arrimo kale sidda uu hadalka u dhigay soo dhaxgalin.

Kulanka ayaan noqonaya kii ugu horeeyay oo magaalada Beledweyne ay ku yeeshaan wafdi ka socda urur gobolleedka IGAD dowladda Itoobiya iyo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo looga wadda hadlo arinta la xiriirta dhismaha dowlad gobolleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Horay kulamo ku saabsan dhismaha maamulka labada gobol oo dhaxmaray Ugaas Xassan Ugaas Khaliif iyo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max'uud ayaa natiijo la'an ku soo dhamaaday kaddib markii leysku afgaran waayay hab raaca dhismaha maamulka, waxaana muuqatain hadda arinta soo fara-galinayaan ururo caalami iyo dalalka danbeeya arimaha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya