4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 22, 2016
PUNTLAND: Warbaahintu ma Wareysan karto Cid Xiriirka la leh Daacish iyo Burcadbadeeda


Arbaco, Juun 22, 2016 (HOL) — Wasaaradda Waraafinta Maamulka Puntland ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in hay'adaha Warbaahinta ee ka Howl-gala Puntland aysan Wareysan karin shaqsiyaad xiriir la leh Ururka Daacish iyo burcad-badeedda, kuwaasoo aanan wargalinta lagu sheegin magacyadooda iyo meesha ay joogan.

Qoraalka wasaaradda, ayaa sheegay in ay shaqsiyaadkaas ay yihiin nabad-diid doonaya inay dib u so celiyaan dagaalkii ay Puntland horay uga adkaatay Argagaxisada, Ujeedkooduna yahay waxyeeleynta Wadjirka Dadweyaha Puntland.

Hoos ka Aqriso Wargalinta iyo sida ay u Qornayd:

Waxaa jirta in beryahan dambe ay saxafadda qaarkeed caado ka dhigteen inay si bareer ah u tebayaan barnaamijyo Warar ama qoraalo aan run ahayn, kuwaas oo Waxyeello ku ah Wadajirka Shacabka ku nool Puntland.

Waxa kale oo waayadan dambe, qaar ka tirsan warbaahintu waraysiyo ka Qaadaan Shaqsiyaad Nabad-diid ah oo xiriir la leh kooxaha argagaxisada ah sida, Daacish iyo burcadbadeed iyadoo ujeedadu tahay in mar kale dib loo soo abaabulo dagaalkii ay kooxahaasi horay ugu jabeen ee ay la galeen Ciidamada Puntland, kuwaasoo Taageero ka helayay Shacabkooda Difaacayna Dalkooda iyo Dowladnimadooda sidii awalba lagu yaqaanay.

Sidaas darteed, waxaa dhammaan warbaahinta ka howl-gasha Puntland lala socod siinayaa cid allaale iyo ciddii baahisa muuqaal, cod, qoraal iyo sawir ka turjumaya arrimaha aan kor kusoo sheegnay ama Wareysi ka qaadda shaqsiyaad ku Hawlan daadinta Dhiigga Shacabka Puntland iyadoo Ujeedadoodu tahay iska hor keenka dadka Puntland loona qaybiyo hab-qabiil si ay u fuliyaan danahooda gurracan ee argagaxisda, in laga qaadi doono tillaabo sharciga waafaqsan lana horgeyn doona caddaalada.

Ugu dambeyntii, Warbaahintii aan u dhago nuglaan amarkan waxaa hubaal ah in aanay dib uga howl gali doonin deegaanada Puntland.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo-Soomaaliya