4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 22, 2016
SAWIRRO: Bayaan laga soo Saaray Madal loogu Magac-daray Madasha Badbaadada Galmudug

Arbaco, Juun 22, 2016 (HOL) — Madasha Badbaadada Galmudug oo la Aasaasay 10-kii bishan Juune 2016-ka, ayaa shirkoodii labaad oo ay ku yeesheen Muqdisho kasoo saaray Bayaan ay kaga hadlayeen xaaladda Galmudug, kaasoo ay ka Qayb-galeen; Xildhibaano ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka ah ee Somalia, Xildhibaanno ka tirsan Galmudug, Odayaasha dhaqanka, ururada bulshada iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda dawlad goboleedka Galmudug.

Madasha ayaa waxaa hadallo ku aaddan Xaaladda ka jirta Galmudug ka jeediyay xildhibaano ka tirsan Galmudug iyo Odoyaasha-dhaqanka kuwaas oo walaac ka muujiyay Waxqabasho la’aanta iyo horumar yarida soo waajahdey deegaanadaas ayadoo dadka Galmudug ay ku hanwaayeen in hogaanka maamulkaasi uu deegaanadaas u horseedi doono cadaalad, dib u heshiisiin, horumar iyo maamul wanaag balse ay kala kulmeen wax intaas ka duwan.

Gabagabadii shirka waxaa la isku afgartey qodobadaan:

1. Waxay madashu soo dhoweysey shirarka iyo abaabulada ka socda degmooyinka kala duwan ee Galmudug sida kuwa ka dhacey Cabuudwaaq, Guriceel, Cadaado iyo Muqdisho ee waxgaradku ku muujinayaan dareenkooda ku aadan maamulkii ay dhisteen oo isku bedeley mid fadhiid ah oo Xamar saldhiggiisa ka dhigtey isla markaana aan ku hawlaneyn hawlahii loo igmadey.

2. Waxay madashu si isku mid ah uga hortimid hadaladii gefka ahaa ahaa ee madaxda Galmudug ay uga jawaabeen dareenka waxgaradka Galmudug ay ka muujiyeen waxqabad xumada deegaanadaas ka jirta, ayagoo ku tilmaamey waxgaradkii Galmudug "caanasiir" carqladeyneysa doorashooyinka, hadalaasoo ay ka muuqatey mas’uuliyad-xumadii lagu eedaynayey iyo in hogaanka Galmudug uusan aheyn mid ku shaqeynaya dareenka shacabka Galmudug.

3. Madashu waxey mar kale ku celisey in ay ka soo horjeedo guddiyada Galmudug u matalaya doorashooyinka sanadka 2016 ee heer maamul goboleed iyo mid qaranba, kuwaasoo aan ku imaan hanaankii saxda ahaa, ayna u badan yihiin kuwo lagu qortey madaxtooyada Xamar, oo uu ku takrifalay madaxweynaha Galmudug oo hadda shaqadiisii ku soo koobey ka shaqeynta ololaha musharax Madaxweyne Xasan Sheekh, lana doonayo in Galmudug loo afduubo rabitaanka koox, taasoo ka soo horjeedo ujeedooyinkii iyo heshiiskii Galmudug lagu aasaasay.

4. Madashu waxey soo dhoweyn kala kulantey maamulka ASWJ, oo muujiyey sida ay diyaarka ugu yihiin dibuheshiisiin dhab ah, ayadoo dhanka kalena uu ka gaabiyey wax xoog ahna ayssan ku bixin madaxda Galmudug arimaha dibuheshiisiinta iyo daminta colaadaha ka jira deegaanadaas.

Madashu waxey hoosta ka xariiqday in badbaadinta Galmudug iyo ku soo celinta maamulkas gacanta dadkii dhistey in ay tahay waajib saaran cid kasta oo reer Galmudug ah, si gaar ahna ay u saaran tahey hey’adda sharcidajinta ee barlamaanka iyo xildhibaanada, ayadoo la wada qirey lagama maarmaanimada in laga soo bixiyo Galmudug boorsada lagu watto iyo in danaha cid kale loogu shaqeeyo.

5. Madashu waxay isla qaadatey in hawlaha badbaadinta Galmudug la sii laba-laabo illaa inta laga gaarayo in Galmudug ay ku soo noqotey hawshii loo dhisey, hogaankeeduna uu ka shaqeeyo hawshii loo igmaday.

6. Gabagabadii Madashu waxey beesha caalamka iyo dadka Soomaaliyeed ugu baaqdey in indhaha lagu hayo xalaalnimada doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan sanadka 2016 isla markaana la dhageysto cabashooyinka ka imaanaya qeybaha kala duwan ee bulshada ee la xiriira afduubka rabitaanka dadka iyo been-abuur ku sameynta bulshooyinka kala duwan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya