4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 22, 2016
SAWIRO: Madaxweyne Xasan oo u tagay Baydhabo ka Qayb-galka shirka Madasha Wada-tashiga


Arbaco, Juun 22, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu Hoggaaminayo ayaa gaaray Baydhabo oo lagu wado inuu maanta ka furmo Shirka wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka dalka ka dhacaya bisha Ogoosto ee sannadkan 2016-ka.

Waxaa kaloo maanta Baydhabo gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe]; waxaana lagu wadaa inuu Shirkan furo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmad aBaydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha maamul-gobolkedka Koonfur-galbeed iyo Qaar ka mid ah mas'uuliyiinta maamluka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Dhanka kale, waxaa la filayaa inay Baydhabo gaaraan isla maanta; Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, C/weli Maxamed Cali [Gaas] iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed, kuwaasoo ku biiri doona madaxdii halkaas kaga horreysay.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay; iyadoo lagu arkayo Jidadka Baydhabo ciidammo isugu jira Somali iyo Itoobiyaan ka tirsan kuwa AMISOM oo Sugaya Ammaanka Guud ee Magaaladaas.

Ugu dambeyn, shirkan aya alagu wadaa in lagu dhameystiro go'aannadii ku aadanaa doorashada dalka ka dhacaysa Daba-yaaqada sannadkan, iyadoo lagu wado in go'aannada kasoo baxa shirkan kaddib loo dareero doorasho.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya