4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 22, 2016
Guddoomiyaha Mudug ee Puntland oo ka Warbixiyay Dilkii isku-duwahii Wasaaradda Qorsheynta


Arbaco, Juun 22, 2016 (HOL) — Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Xasan Maxamed Khaliif ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyay Dil Degmada Gaalkacyo loogu gaystay isku-duwihii Wasaaradda Qorshaynta iyo Xariirka Caalamigaa ee Puntland.

Xasan Khaliif, ayaa sheegay in Dilka C/llaahi Maxamed Faarax [Tabotaabo] ay ka Dambeeyeen Laba nin oo bastoolado ku hubaysnaa kuwaasoo dilka kaddib baxsaday.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Mudug ee Puntland ayaa intaa raaciyay in goobta uu dilku ka dhacay oo ahayd Warshadda Galleyda ay gaareen booliiska si ay u soo qabtaan kooxihii dilkaas ka dambeeyay.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabooyin lagu sugayo Amniga, isagoo xusay in qorshahooda ay wax ka bedeli doonaan si amniga loo xoojiyo.

Ugu dambeyn, Dilkaan ayaa noqonaya kii labaad ee ka dhaca Gaalkacyo tan iyo markay bilatay bisha Ramadaan, iyadoo horay loogu dilay Guddoomiyihii Ururka Haweenka Gobolka Mudug ee Puntland, Dhudi Yuusuf.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya