4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2016
Kenya: Lix Qof oo Looga Shakiyay Argagaxisonimo oo Lagu Xiray Degmada Kwale

Arbaco, Juun 22, 2016 (HOL)-Lix rag ah oo biliiska Kenya ay sheegeen inay yihiin la tuhunsaneyaal argagaxisonimo ayaa shalay Salaasadii waxaa lagu xiray degmada Kwale, ee gobolka xeebta ee Kenya.

Dembi Baaraha Guud, Joseph Boinnet  ayaa sheegay in raggaas la tuhunsan yahay ay ka tirsan yihiin koox intaa ka badan oo burcad ah oo lala xiriirshay laynta hoggaamiyeyaal maxali ah.

Raggaa ayaa lasoo xiray kadib markii labo ka mid ah la tuhunsaneyaasha ay boolisku toogasho kudileen afar kalena ay soo xireen habeyn hore.

Hawlgalkaa ayaa la sameeyay kadib markii dad aan heybtooda si rasmi ah loo garan afar hoggaamiye beeleed ay dileen. Hoggaamiyeyaashaa ayaa waxaa la dilay horraantii bishaan.

Biliiska ayaa sheegay in burcada degmadaa ay diideen in dhowr dhallin yaro ah oo Alshabaab iyo Soomaaliya kasoo noqday  dadka dib loogu dhafo inta la dhaqan celiyo, waa sida hadalka loo dhigaye.

Lixda qof ee latuhunsaneyaasha ah ee haatan gacanta lagu soo dhigay ayaa waxaa la filayaa in maxkamad lasoo taago Arbacada maanta ah.