4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 22, 2016
Taliyihii nabadsugidda gobolka Shabeelaha dhexe oo ay ilaalidiisa dishay
Arbaco, Juun 22, 2016 (HOL) —Taliyihii ciidamada nbadsugidda gobolka shabeelaha dhexe ayaa waxaa xalay maqribkii xilligii afurka waxaa toogasho ku dilay sedex askari oo ka tirsanayd ilaaliadiisa.

Taliyaha ayay askartan ku toogteen gurigiisa oo ku dhexyaal xerada nabadsugidda ee dalxiiska loo yaqaan ee ku taal bartamaha magaaladaasi.

Askartan ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen ilaalada gaarka ah ee Taliyaha, muda dheerna ay lasoo shaqeynayeen, balse raggan ayaa la sheegay in ay gacan saar la lahayeen Al-shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidamada nabadgelyada Jowhar oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in ay gacan kusoo dhigeen mid kamid ah sedexdii nin ee dilka geeysatay.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilka masuulkaasi, sida ay baahiyeen shabakadaha ku hadla afka Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa aalaaba u adeegsata dilalka masuuliyiinta bartilmaameedka u ah raga u dhow dhow ee aysan ka shaki qabin, ayadoo ay xusid mudantahay in sidan oo kale horaantii sanaddii 2014 ay magaalada Kismaayo ugu dileen Ciise Kaambooni oo xiligaasi ahaa taliyaha nabadsugidda, kaa oo ay dilkiisa u adeegsadeen sarkaal kamid ahaa ilaaladiisa gaarka ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.