4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2016
Shirka Madasha Wadatashiga oo Maanta Lagu Wado inuu Ka Furmo Baydhabo

Arbaco, Juun 22, 2016 (HOL)-Shir in dhawaaleba loo ololeynaayay lana diyaarinaayay isla markaana lagu waday inuu ka furmo Baydhabo ayaa haatan ugu dambeyn lasoo sheegayaa inuu maanta furmayo.

Arimaha hareyn doona ayaa la filayaa in shirkaa ay noqdaan amuuraha doorashada ee la filaayo in bilaha fooda nagu soo haya ay ka dhacdo Soomaaliya.

Doorashada soo socota ayaa waxaa la dooran doonaa madaxweynaha teremka xiga dalka u talinaya iyo xildhibaanada baarlamaanka.

Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in labo aqal uu yeesho-waa baarlamaanka golaha shacabka iyo golaha guurtida.

Ammaanka Baydhabo ayaa la adkeeyay ayadoo madaxda dawlada federaalka iyo madaxda dawlad goboleedyada Soomaaliya la filaayo dhammaantood inay kasoo qeyb galaan shirka.

Doorashada ayaa weliba waxaa lagu wadaa inay qabsoonto bisha Agoosto ee sanadkaan 2016.

Si kastaba ha ahaatee, doorashada ayaan la filayn inay noqoto qof iyo cod oo arinkaas haatan inuusan suuroobeyn ayaa laisla gartay.

Qore: Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]