4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 22, 2016
Xaalad Cabsi oo ka taagan Degmooyin ka tirsan Jubbada Hoose oo ay ku dhawaatay Al-shabaab


Arbaco, Juun 22, 2016 (HOL) — Xaalado Cabsiyeed, ayaa Xilligaan waxay ka taagan tahay Degmada Afmadow iyo Dhoobley oo kawada tirsan Gobolka Jubbada Hoose , kaddib markii Boqollaal ka tirsan xoogagga Al-shabaab oo aad u hubeysani ay deegaannadaas ku dhawaadeen.

Idaacadda VOA-da ayaa baahisay in ku suggan Afmadow iyo Dhoobley ay u xaqiijiyeeen in ciidanka AMISOM iyo kuwa Jubbaland heegan la geliyay, kaddib markii ay ka war-heleen dhaq-dhaqaaqyo ay Al-shabaab ku doonayaan inay ku weeraraan labadan magaalo.

Sidoo kale, Boqollaal ka tirsan xoogagga Al-shabaab ayaa lagu Waramayaa in ay Fariisimo cusub ka sameysteen deegaannada loo yaqaano Cag-libaax iyo Qalawilaha oo 25-km galbeedka iyo waqooyiga kaga kala beegan Afmadow.

Dhanka kale xoogag ka tirsan Al shabaab ayaa qafaashay Saddex Gaari oo ay leeyihiin Dad shacab ah, sida ay baahisay VOA-da, iyadoo Gaadiidkaan la sheegay inay ka yimaadeen Deegaanka Dhoobleey ayna kusii jeedeen Afmadow, Waxaana Gaadiidkaan ku jiray nooca lagu Qaado Qaadka oo Xilligaas waday Qaad.

Labada gaari ee kale, ayaa la sheegayaa inay ahaayeen gaadiid xamuul kala duwan waday, iyadoo aan la ogeyn halkay Al-shabaab la aadeen saddexdan baabuur ee ay gacanta ku dhigeen.

Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa baahisay in Goob-joogayaal ku sugan Degmada Afmadow iyo deegaanka Dhoobley ay u xaqiijiyeen in boqolaal ka tirsan Al-shabaab oo aad u hubeysan ay ku joojiyeen baabuur waddada Goomaara oo ah tan isku xirta Degmada Afmadow iyo Dhoobley, iyagoo Darawalladii iyo Shacabkii Saarnaa Gaadiidkaas ayay ku Amreen inay ka Deggaan, iyagoo kaxaystay gaadiidkii.

Ugu dambeyntii, Wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab ay geyso Gaadiidka ay Qafaashaan Degmada Xagar oo ka Tirsan Gobolka Jubbada Hoose, Inkastoo weli aysan Al-shabaab ka hadlin Gaadiidkan la sheegay inay afduubeen.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya