4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2016
Koofur Afrika: Dukaamo Soomaali Leedahay oo La Boobay

Arbaco, Juun 22, 2016 (HOL)-Tan iyo shalay ayaa waxaa socday boob lagu hayo dukaamo ay leeyihiin dad ajaaniib ah oo kunool dalkaasi Kooru Afrika oo Soomalidu ay ka mid yihiin.

Weerarada boobka ah ayaa ka bilowday siyaasad ay isku hayaan darfo ka tirsan dadka reer Koofur Afrika.

Hase ahaatee, markii ay arinkii ay isku hayeen isku mari waayeen ayaa waxaa la sheegay inay u isticmaaleen weerarada ay kusoo qaadeen dukaamadaa cudur daar ahaan iyo inay ku caro baaba'aan.

Dukaamada la weeraray ayaa kuyaala nawaaxiga Pretoria oo ah magaalo madaxda Koofur Afrika.

Teeda kalena ayadoo weeraradaa ay ka dhaceen meelo dukaamo ah iyo meherado kale kuwaasoo ay leeyihiin ajaaniibtu ayaa hadana ay arintaan oo kale ay tahay wax soo noqnoqda ayadoo dadna inta badan ku dhaawacmaan dadna marmar lagu dilo weerarada.

Qore: Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]