4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 22, 2016
WARBIXIN: Midowga Afrika oo Wada Qorshe Afrika loogu Sameynayo Baasaboor ka Dhexeeya


Arbaco, Juun 22, 2016 (HOL)
Ururka Midowga Afrika, ayaa shaaciyay inuu qorsheynayo in Afrika oo dhan ay yeelato hal baasaboor, sida Midowga Yurub oo kale, si ay bulshooyinka Afrika ay u helaan inay waddamadooda isaga tallaabaan.

Hoggaamiyeyaasha Afirka ayaa la filayaa in dhawaan Qorshahan loo soo bandhigo, Waxaana tani ay dadka Afrikaanka ah u ogolaanayso inay dalalka Afrika oo dhan isaga gudbaan, iyagoo aan sii dalban Dal-ku-gal ama Visa.

Fikirkaan ayaa la sheegayaa, inuu yahay mid laga soo min-guuriyay Midowga Yurub oo dalal badan oo Qaaraddaas ku yaalla ay isku gudbaan shacabkooda iyagoo wata hal baasaboor, inkastoo ay jiraan waddamo aan qayb ka ahayn qorshahaas.

Xilligan ayaa waxaa Afrika ka jira 13-dal oo shacabkoodu ay fiiso la'aan isku gudbaan, iyadoo marka la barbar-dhigo Qaaradda Ameerica ay jiraan 20 Waddan oo iyaguna ay shacabkooda isku Tallaabaan iyagoo aan wadan wax Viso ah.

Ururka Midowga Afrika oo wakiil ka ah 54-ka dal ee Qaaraddu ay ka kooban tahay, ayaa qorsheynaya in marka la gaaro sanadka 2018-ka ay shacabka Afrika awood u helaan inay fiiso la'aan isaga gudbaan gobollada Qaaradda oo dhan.

Sidoo kale, Waxaa la qorsheynayaa in dhaqdhaqaaqyada ganacsi ee Afrika ay noqdaan kuwo xor ah, wixii ka billowda sannadka nagu soo fool leh ee 2017-ka, taasoo qayb ka ah xoojinta ganacsiga guud ee Afrika.

"Ujeeddada baasaboorkan laga leeyahay waa in dadyowga Afrika ay helaan xorriyad ay isugu gudbi karaan, iyadoo aan wax fiiso ah dalbanayn, Waxaa kaloo ujeeddada laga leeyahay ay taha in ganacsiga uu isaguna si xog ah uga gudbo meel walba oo Afrika ah," ayaa lagu yiri war-murtiyeed kasoo baxay Ururka Midowga Afrika.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Dr Nkosazana Dlaimini Zuma, ayaa ku tilmaantay qorshan mid Qaaradda Afrika u horseedaya horumar weyn iyo barwaaqo, isla markaana u ogolaanaya Dadku inay noqdaan kuwo leh hal baasaboor oo ka dhexeeya.

Dhanka kale, Caqabada qorshahan cusub ee Afirka ayaa lagu tilmaamay inuu horseedi karo khataro ka imaan kara kooxaha Argagaxisada ah sida; Boko Haram iyo in si dhaqso ah ay cudurradu ku faafahaan sida cudurka Ebola oo kale.

Ugu dambeyn, Dlaimini Zuma ayaa tiri. "Waa inay Waddamada Qaaradda Afrika oo dhan ay aqbalaan go'aankan, waayo mid innaga oo dhan noo ogolaanaya in aan si xor ah isugu gudubno."

Si kastaba ha ahaatee, Waa markii ugu Horreysay oo Ururka Midowga Afrika uu ku Dhawaaqo in ay Waddamada Afrika yeelanayaan baasbaoor ka dhexeeya oo ay ku safri karaan shacabka Qaaradda ku nool, inkastoo aan la ogeyn sida uu ku fuli karo qorshahan.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya