4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 20, 2016
Guddigii ay DF u Xil-saartay Baarista Raashiinkii Hay'adda WFP oo Warbixin soo Saaray (Sawirro)


Isniin, Juun 20, 2016 (HOL) — War-saxaafadeed ay Maanta soo bandhigeen Guddigii ay Dowladdu u saartay dhawaan baarintaanka raashin hay'adda WFP ay lahayd ee lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, ayaa kaga hadlay raashinkaas oo la sheegay markii hore inuu ahaa mid dhacay.

Guddiga oo ka koobnaa Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Fedaraalka, Beeraha iyo Sidoo kale Xeer-ilaalinta Qaranka iyo taliska ciidanka booliska Somalia, ayaa kormeerro ay ugu kuur-galayeen xaalada keydka hay’adda raashinka ee WFP, ayaa waxay bayaankooda ku Xaqiijiyeen in Raashinkaan uu ahaa mid qoyay balse uusan ahayn mid dhacay.

Sidoo kale, Guddigan oo si taxadar leh u fulinaya howshii ay Xukuumadda Somalia u xil-saartay, ayaa Kormeeray Keydka Raashinka ee Hay'adda WFP ay ku leedahay Dekedda Muqdisho, Halkaas oo lagu hubiyey Raashiinka ku keydsan, iyadoo Raashiinkaasi la Xaqiijiyay inuu yahay mid Beeraleyda Dalka laga iibiyay, Tayadiisuna Wanaagasnayd, Raashinka kaydka ah oo dhanna uu yahay mid Wanaagsan.

Waxay kaloo guddigu waxay sheegeen in raashinkii lagu qabtay Garoonka uu ahaa mid ay Roobab ku da'een, sidaasna ku wasaqoobay balse tayadiisu ay wanaagsanayd, isla markaana uusan dhicin.

Ugu dambeyntii, Guddigaan - ayaa Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed u Xaqiijinaya in raashiinka hay’adda WFP ee Muqdisho yaalla uu yahay mid wanaagsan oo aan dhicin, balse Qaarkood ay roobab ku da'een sidaadsna u wasaqoobeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya