4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 20, 2016
Wariyeyaal Reer Somaliland ah oo laga qabtay degmada Wajaale loona qaaday Dhinaca Jig-jiga


Isniin, June, 20,2016 (HOL) - Shan wariye oo ka Hawl-gala Gobolka Gabiley, ayaa Xalay Ciidamada Liyuu booliska dawlad deegaanka Itoobiya ka qabteen Magaalo Xuduudeeda Tog-wajaale, kuwaasoo markiiba loo dhaadhiciyey magaaladda Jig-jiga ee xarunta dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya.

Sida Wararka aanu ka helayno Magaalada Wajaale - ayaa la sheegay in Wariyeyaashaan u talaabeen dhinaca xadka Itoobiya ka dib markii gudoomiyaha degmadda Wajaale qaybta Itoobiya ka dalbaday wariyeyaashaasi inay war ka duubaan, sidaasna ay ugu Talaabeen dhinaca kale ee Itoobiya ka Dibna muddo yar ka dib loo taxaabay  xabsi ku yaalla Magaalada Jig jiga ee caasimadda Dawlad-Deegaanka Soomaalidda Itoobiya.

Magacyada Shantan Suxufi ayaa kala ah:

1. Mukhtaar Nuur Ibraahim  Dheeg  HCTV
2. Cayduur  Qadiye  Universal Tv
3. Ayaanle Maxamed Ibrahin(Ayaanle xaaji)  Bulsho Tv
4. Cilmi Maxamed Jaamac STAR Tv
5. Muxuyadiin  Yackoo SNLTV.

Haseyeeshee, wararka aanu ka helayno xadhiga wariyeyaashan ayaa tibaaxaya in afar wariye oo ka mid ahaa shanta wariye  la dajiyey hoteel, halka wariyihii gobolka Gabiley uga soo warami jirey Telefishanka HCTV Mukhtaar Nuur Ibraahim isaga meel gaar ah lagu xidhay.

Illaa hadda lama hayo sababta loogu talaabiyey magaaladda Jig jiga, isla markaana dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya wali kama hadal.

Dhinaca kale, Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu xukuumadda Somaliland iyo madaxda Dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ugu baaqayaa inay Xorriyadiisa usoo celiyaan Wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo ka tirsan HCTV, kaasoo isaga iyo afar wariye oo kale ciidamadda Liyuu Booliisku ka kaxaysteen magaaladda Wajaale.

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA waxa uu xaqiijiyey inay wariyayaasha kala ah Muxiyadiin Maxamed Daahir Tv-ga Qaranka, Ayaanle Maxamed Xaaji Bulsho Tv, Cilmi Maxamed Jaamac STAR, Caydaruus Axmed Ismaaciil Universal ay Xorriyadoodii dib u heleen, hase yeeshee wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo ka tirsan HCTV illaa hada xidhan yahay.

Ururka SOLJA waxa uu mar kale Xukuumadda Somaliland ugu baaqayaa inay ka hawl-gasho sidii wariye Mukhtaar Nuux Ibraahim u heli lahaa Xorriyadiisa, sidoo kale waxay uga mahad celinaysaa kooxda la soo daayey sida ay u qaabishay. Sidaasna waxa sheegay gudoomiyaha ururka Saxaafadda Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto oo war-saxaafadeed ka soo saaray xadhiga wariyeyaashan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland