4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 20, 2016
MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR: Waxaa lasoo Qabtay Askar dhac u geysanayay Shacabka

Isniin, Juun 20, 2016 (HOL) — Ciidamada ammaanka ee dowladda soomaaliya ayaa goor sii horeysay Magaalada Muqdisho ku xiray saddex nin, oo laba ka midda ay ka tirsan yihiin Ciidanka Militariga Somaliya gaar ahaan guutadda labaad , ka dib markii lagu eedeeyay in ay dhac u gaysteen dad ku nool qeyb ahaan degmooyinka magaaladda muqdisho.

Afhayeenka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane, ayaa sharaxaad ka bixiyay sida Askartan lagu soo qabtay, isagoo xusay inay kasoo qabteen meelo ay wax ku dhacayeen hadana ay ku jiraan saldhiga Degmada Holwadaag, Waxay kala yihiin; Daahir Maxamed Axmed  oo ka tirsan Guutadda Labaad ee ciidanka xoogga, Maxamed Xasan Cali oo ka tirsan askarta qaranka iyo ninkii waday Bajaajka oo lagu magacaabo Abshir Axmed Xasan oo ah qof shacab ah, waa danbiilayaal qirtay falka lagu soo qabtay waxa uu sharciga qabo ayaan marsiin doonaa.

Dadka qaarkii, ayaa Cudur-daar u yeella falalka dhaca ee ay gaysanayan Ciidamada Dowladda, sababo ku aadan askarta oo aan si joogto ah loo siin Lacagaha mushaarka, Balse ma ahan wax sina sax u ah oo ciidanka waa difaacaha dalka iyo dadka ee ma ahan Dhibaateeyaha maatadda marasta ah.

Waxyaabaha la-yaabka leh ee aad la kulmeyso, waxaa laga xusi karaa, askari inta badan waqtigiisa ku qaata wadooyinka, si uu u suggo nabadgelyada, misena ay carruurtiisu baahan tahay.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa lagu eedeeyaa inaanay ku wanaagsanayn bixinta mushaaraadka ay xaqa u leeyihiin Ciidamada Qalabka Sida,waana taas sababta ay mararka qaar ciidanka u sameynayaan waxyaabo laga xishoodo.

Hiiraan Online, News Desk