4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 20, 2016
SAWIRRO: Dibadbax lagu Diidanaa Wareejinta Dekedda Berbera oo ka dhacay Magaaladaas


Isniin, June, 20,2016 (HOL)- Mudaharaad balaadhan oo lagu diidan yahay wareejinta dekadda Berbera, ayaa saaka ka dhacay magaaladda Berbera, taas oo wadooyinka badhankeedda lagu gubay taayiro.

Dadweynaha taayiradda la gubayey ayaa la sheegay inay ka soo horjeeddeen kireynta dekadda, isla markaana aan ogolayn in dekadda cid kale lagu wareejiyo, waxaana mudaharaadkani bilaabmay wakhti ay dekadda berbera kormeerayeen khabiiro iyo injineero ka socday shirkadda DP Wolrd oo indho indhaynayey sida hawshu u socoto.

Ciidamo badan ayaa illaa shalay la keenay magaaladda, isla markaana ilaalinayey amniga dekadda iyo guud ahaan magaaladda, kuwaas oo loo keenay inay ka hor tagaan wixii mudaharaad ah ee la isku dayo in la sameeyo.

Tan iyo markii ay soo shaac baxday wareejinta dekadda Berbera, waxa isa soo tarayey dadka cambaaraynayey, isla markaana ku qanacsanayn wareejinta dekadda, kuwaas oo ku doodayey in aan loo baahnayn in dekadda cid kale gacanta ku qabato.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland