4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 20, 2016
Shan Askari oo Boolis ah oo Lagu Dilay Meel u Dhow Kutulow oo Katirsan Degmada Mandheera

Isniin, Juun 20, 2016 (HOL)-Shan askari oo biliis ah oo ilaalinaayay bas usoo socday Nairobi ayaa waxaa dilay dabley jidka u gashay gaarigaa baska ah.

Baska oo lagu magacaabo Desert Cruiser ayaa waxaa la sheegay inuu u soo socday Nairobi uuna ka soo baxay magaalada Mandheera ee gobolka Soomaalida ee Waqooyi-bari.

Gaariga ayaa dableydii ku dhufteen basuuke sida wararku ay nagu soo gaareen.

Dhacdadaan ayaa waxay dhacday xalay mar baskaasi uu maraayay meel u dhow tuulada Kutulow (Kotulo) oo kutaal xaduuda labada degmo ee Mandheera iyo Wajeer kala qeybisa.

Booliska Kenya ayaa sidoo kale sheegay in dabelydu ay gubeen gaarigaa baska ah.

Rakaabkii baskaa saarnaa ayaa intoodii kale xalay baryay tuulada Kutulow kana soo baxay halkaa saaka ayagoo soo aaday dhanka Nairobi.

Taliyaha booliska ee degmada Mandheera, Job Boronjo ayaa xaqiijiyay dhacdadaa.

Sanadkii lasoo dhaafay meel dhowr km u jirta Kutulow ayaa lagu dilay saddex qof kadib markii dabley ay weerartay bas iyo gaari xamuul ah oo halkaa maraayay.