4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 20, 2016
Maanta oo ah Maalinta Qaxootiga Adduunka


Isniin, Juun 20, 2016 (HOL)-Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 20ka bisha Lixaad 2016 ayaa waxaa ay tahay maalinta qaxootiga caalamka.

Si kastaba ha ahaatee, maalintaan ayaa sanadkaan waxay kusoo aadday ayadoo loo caal waayay xaddidida qulqulka qaxootiga caalamka oo idil.

Dalal badan oo caalamka ah gaar ahaan dalalka Islaamka iyo qaarada Afrika inteeda saxaraha ka hooseysa ayaa dadyow badan ay ka cararayaan ayagoo raadinaaya badbaado iyo nolo wanaagsan.

Dad badan ayaa sanadkaan oo qura ku naf waayay badaha ayagoo doonaya inay gaaraan qaarada Yurub si ay shaqooyin, horumar iyo maciishad wanaagsan halkaa uga helaan.

In badan oo Yurub galay oo qaxooti ah ayaa xaaladu ku dhanaanaatay oo aan ku arag nolasha halkaa taala wixii ay  ka filaayeen.

Xaduudaha ayaa qaxooti fara badan laga xidhay ayada oo in badan ay meelo dhexe oo aan ahayn meelihii ay usoo tacabireen ay ku go'doonsan yihiin.

Waxaa iyana xusid mudan in qaxooti badan laga soo celiyay Giriigga oo dabadeed dib loogu soo celiyay Turkiga.

Haatan ayaa war bixin QM ay soo saadhay waxaa lagu sheegay in tirada qaxootigu ay sanadkaan mareyso tiradii ugu badnayd ee qaxooti ah ee abid la diiwaan galiyo.

In ka badan 60 milyan oo qof ayaa QM ay sheegeysaa inay haatan ku barakacsan yihiin daafaha caalamka oo dhan.

Dalalka ugu badan ee colaaduhu ka jiraan isla markaana qulqulka qaxootiyada ka imaanaya loo caal la'yahay waa Ciraaq iyo Suuriya.

Waxaa iyana soo raaca dalalka Afghanistan, Libya iyo Soomaaliya oo ah dalal Muslimiin oo in badan ay dhibaatooyin ba'ani ka taagnaayeen.

Qore: Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]